Falcelin culus oo ka dhalatay toogashadii ka dhacday xerada Jeneraal Goordan

Falcelin culus oo ka dhalatay toogashadii ka dhacday xerada Jeneraal Goordan

Falcelin culus oo ka dhalatay Weerarkan.

Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay toogasho xalay ka dhacday gudaha xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, taas oo lagu dilay saraakiil Soomaali ah iyo kuwa kale oo u dhashay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn.

Toogashada ayaa waxaa fuliyay askari ka tirsan ciidan cusub oo uu tababar uga socday xerada, kaas oo laayay askar iyo saraakiil ku sugnayd halkaasi

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan khasaaraha badan dhaliyay, kadib bayaan ay soo saartay kooxda.

Dowladda federaalka iyo Imaaraadka Carabta ayaa siyaabo kala duwan u cambaareeyay toogashada xalay ka dhacday xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Haddaba sidee looga falceliyay toogashadan?= oo lagu dilay 17 sarkaal oo isugu jira Imaaraad, Soomaali iyo kuwo kale oo ka socday wadamo kale, lana shaqeynayey Imaaraadka?

C.C.shakuur oo canbaareeyay dhacdadaasi

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sidoo kale kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cambaareeyay dhacdadaasi, isaga oo ku baaqay in meel looga soo jeesto Shabaab.

“Waxaan canbaaraynayaa falkii argagexiso ee ka dhacay xerada tababarka Janaraal Goordan. Waxaan ehelka, asxaabta, shacabka Soomaaliyeed iyo Dawladda Imaaraadka Carabta uga tacsiyeynayaa saraakiisha iyo askarta labada dal ee lagu dilay weerarka argagexiso” ayuu falcelintiisa ku yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame,

Sidoo kale wuxuu ku daray “Waxaan kuwa dhaawaca ahna Alle uga baryayaa in uu caafiyo. argagexisadu waa cadow duullaan ku ah nabadda Soomaaliya, gobolka iyo caalamka intaba, waana in ciribtirkooda meel looga soo wada jeesto”.

Xildhibaan Yaasiin Faray oo ka hadlay weerarkan

Dhankiisa xildhibaan Yaasiin Faray oo kamid ah Golaha Shacabka Somaliya ayaa dalbday in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyay toogashada ka dhacday xeradaasi milatari.

“Baarista kiiskan waa in si adag looga gungaaraa, waxaa suura gal ah inay jiri doonaan abaabul iyo gacmo qarsoon oo falkan ku lug yeesha, waa muhiim in si feejigan madaxda hey’adaha amnigu isaga xilsaaraan si looga baaqsado kalsooni xumo iyo hubanti la’aan amni oo dalkeenu galo iyadoo lagu jiro marxaladaan adag” ayuu qoraalkiisa ku yiri Faray.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ee xerada Jeneraal Goordan.

“Waxaan cambaareynayaa falkii bahalnimada ahaa ee xalay argagaxisadu ka fuliyeen xerada Janaraal Gordon ee magaalada Muqdisho” ayuu yiri ra’iisul wasaare hore Khayre.

Sheekh Shariif ayaa isna tacsi u diray ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dowladda Imaaraadka ee saraakiisha looga dilay toogashadan.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Saraakiisha iyo Ciidanka Xoogga iyo Saraakiisha Dalka aan walaalaha nahay ee Isutagga Imaaraatka Carabta ee lagu dilay weerar ka dhacay xerada tababarka ee Jeneraal Goordan ee Magaalada Muqdisho. Waxaan si xoogan u canbaaraynayaa falkaas foosha xun oo ay sheegatay argagaxisada Al-shabaab” ayuu yiri.

Imaaraadka oo isna dhankiisa Balanqaaday.

Imaaraadka oo isna saraakiil looga dilay weerarkan, wuxuuna dhankiisa ballan qaaday in Somaliya uu ku garab istaagayo baaritaanka weerarka xerada Jeneraal Goordan.

Post a Comment

0 Comments