Duqeyn culus oo ka dhacday duleedka GALCAD.

Wararkii ugu dambeeyay duqeyn culus oo ka dhacday duleedka GALCAD

Wararka ka imanaya Gobolka Galgaduud 

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, taas oo lala eegtay goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah, waxayna si gaar ah uga dhacday duleedka degmada Galcad ee gobolkaasi.

Saraakiil Somaliyeed oo ka hadlay duqayntan

Saraakiil ka tirsan milatariga Somaliya ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkan cirka ah lagu beegsaday laba saldhig oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin aagga magaalada Galcad, isla markaana lagu gaasiiyay khasaare lixaad leh, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in la burburiyay goobaha la duqeeyay, welina ay wadaan qiimeynta waxyeelada kooxda kasoo gaartay weerarkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay si wadajirka u qaadeen ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Xaaladda gobolada dhexe baryahan

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka socdeen gobollada dhexe ee dalka, kuwaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran.

Post a Comment

0 Comments