Warshaddii qaraxyada Al-Shabaab iyo Idaacadda Andalus oo la burburiyay

Warshaddii qaraxyada Al-Shabaab iyo Idaacadda Andalus oo la burburiyay

Howlgal lagu qaaday magaalada Gal-hareeri 

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka aroortii hore howlgal dhanka cirka ah lagu qaaday magaalada Gal-hareeri oo ka tirsan gobolkaasi, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalkan oo iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Wasiir Al-cadaala oo ka warbixiyay howlgalkaas

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka warbixiyay in howlgalkaasi, isaga oo sheegay in lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, laguna dilay xubno fara badan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in howlgalkan lagu burburiyay warshad lagu far-sameeyo qaraxyada oo ay lahayd kooxda iyo xarun Idaacadeed, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa lagu xaqiijiyay in weerarkan lagu dilay ugu yaraan 25 ka tirsanaa Al-Shabaab.

Xubnaha la dilay ayaa waxayn isugu jiraan Wariyeyaa, horjoogayaal iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa sida lagu sheegay warka qoraalka ah.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Alshabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda oo ku aadan howlalkaas iyo duqeynta isla socday ee guusha ka sheegatay dowladda Somaliya.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada dhexe ka socday guluf culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.

Post a Comment

0 Comments