AlShabaab oo todobo qof ku toogatay fagaare & Dambiyada ay ku eedeyeen

Al Shabaab oo todobo qof ku toogatay fagaare & Dambiyada ay ku eedeyeen

Alshabaab oo toogatay 7 qof iyo sababta.

Kooxda AlShabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taalla degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhaxe waxa ay ku toogteen todobo qof, kuwaa  oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen basaasin la shaqeeya sirdoono kala duwan.

Qaadiga Maxkamadda kooxda AlShabaab ayaa sheegay in raggan xukunka dilka ah lagu fuliyay ku heleen in ay katirsanaayeen sirdoonnada dowladda Kenya ,Mareykanka , Sirdoonka Jubbaland iyo kan Somaliya.

Fagaaraha raggan lagu tooganayay ayaa waxaa la isugu yeeray dadka ku dhaqan magaalada Jilib si ay u daawadaan qaabka raggan loo tooganayay, waxaa sidoo kale goobta joogay saraakiil iyo dagaallamayaal katirsan Al Shabaab.

Ragga Al Shabaab toogteen ayaa lagu kala magacaabayay

1-Cali Bakar Yuusuf (Xamza baajuuni) da’diisuna tahay 32-sana jir, ayaa Al Shabaab ku eedeeyeen in uu la shaqeenayay sirdoonka Kenya

2-Jamaal Idriis Nayaaga oo 23 sano jir ah, ayey isna Al Shabaab sheegeen in uu la shaqeenayay Sirdoonka Kenya , gaar ahaan kuwa loo yaqaan ATPU.

3- juulo muwan joule jaaka (Yaasir), oo 28 sano jir ah, waxa ay sheegeen Al Shabaab in uu katirsanaa sirdoonka Kenya.

4-Talar Cabdulle Aadan oo 55-sanno jir ah Al Shabaab waxa ay ku eedeeyeen in uu la shaqeenayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.

5-Deeq Faarax Yuusuf oo 33-sanno jir ah, ayey Shabaab isaga ku eedeeyeen in jaajuus u ahaa Kenya.

6- Mursal Xasan Yuusuf 19-sano jir ah, ayaa isna Al Shabaab sheegeen in uu katirsanaa ciidanka Jubbaland

7- Ibraahim Maxamed Ibraahim 27-sano jir, ayey ku eedeeyeen in isaga katirsanaa dowladda Soomaaliya.

AlShabaab ayaana sidaan oo kale goobaha ay kataliyaan ugu toogtay rag iyo dumar ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen basaasiin , kuwaa oon helin maxkamad caddaalad ah ay isaga difaacaan dambiyada lagu soo eedeeyay.

Post a Comment

0 Comments