DANAB oo burburiyay goobo u dhow JILIB, dilayna madax Shabaab ah

Ciidamada xooga dalka

Ciidamada kumaandooska ee Danab oo garab ka helaya ciidamada daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa howlgalo balaaran kawada deegaanno katirsan katirsan gobolada Jubbooyinka ay joogaan dagaalyahannada Al Shabaab.

Ciidamada huwanta ah ayaa howlgalo dhowr ah ka sameeyay deegaanka Weel-Maaroow iyo deegaanno kale saldhig u aheyd xubno ka tirsan AlShabaab, waxaana goobahasai ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in howlgalka lagu dilay 40 ka tirsan AlShabaab ay ku jiraan hor-joogayaal uu kamid yahay madaxii qaraxyada Jubooyinka Farxaan iyo ku xigeenkiisii Cabdi Mahad .

Xubnaha kale ee katirsan AlShabaab ee ciidamada huwanta ah la sheegay in ay dileen intii uu howlgalka socday ayaa waxaa kamid ah madaxii maaliyada ee deegaanka Weel-Maaroow iyo xubno kale.

Saraakiisha ciidanka Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland hoggaamineysa ayaa sheegay in ay gaareen howlgalna ka sameeyeen deegaanno qiyaastii 42 km u jira degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhaxe , halkaas oo Al Shabaab xarun weyn u ah.

Post a Comment

0 Comments