Ciidamada DF oo howdka ugu galay Al-Shabaab

Ciidamada DF oo howdka ugu galay Al-Shabaab

Wararka ka imanaya gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada qaybo kamid ah gobolka Sh. Hoose, kaas oo ay qaadeen Ciidanka Ilaalo Qaran ee lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Ciidamada ayaa isku fidiyay dhulka howdka ah ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

War kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay gudaha u galeen deegaanada Maracadde, Galka Saalimow iyo Garas-wayne oo ah dhul howd ah.

Ujeedka howlgalka

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa sidii looga hortagi lahaa dhagarta Al-Shabaab, gaar ahaan weerarada ay kasoo abaabulaan halkaasi, sida lagu sheegay qoraalka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemaaya howdka gobolka Shabeelaha Hoose.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobolka Shabeelaha Hoose, si looga saaro kooxda.

Dagaalka ka dhanka ah ee Alshabaab.

Somaliya ayaa waxaa weli ka socda guluf xoogan oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kaas oo lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran.

Post a Comment

0 Comments