DF oo gacanta ku dhigtay shidaal ay lasoo dageen Al-Shabaab

DF oo gacanta ku dhigtay shidaal ay lasoo dageen Al-Shabaab

Wararka ka imanaya Xarardheere

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay gelinkii dambe Jimcihii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen duleedka degmada Xarardheere, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ka dhacay deegaanka Howdley ayaa waxaa si gaar ah u qaaday ciidamada Danab iyo kuwa Gorgor oo kaashanaya ciidamada deegaanka oo iyana ka soo baxay dhanka degmada Ceel-dheer, kuwaas oo waddada u galay agab loo waday Al-Shabaab.

Ciidamada oo gacanta ku dhigay shidaal ay kooxdu lahayd 

Ciidamada huwanta ayaa waxaa u suuragashay inay gacanta ku dhigaan shidaal ay halkaas kala soo dageen Al-Shabaab, isla markaana lagu jeenay doon, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo waday shidaalka iyo gaari nooca raaxda ah oo ay wateen, kuwaas oo loo soo bandhigay warbaahinta.

“Ciidanka Xoogga  dalka gaar ahaan kumaandooska  Danab iyo gorgor oo kaashaanaya ciidanka Deegaanka oo iyana ka soo baxay degmada Ceel-dheer ayaa howlgalo ka sameyay deganka howdley oo duleedka degmada Xarardheere ciidanka waxa usuurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan 150 jirgan oo shidaal ah oo halkaasi dooni keentay isla markaana loo waday cadawga khawarijta.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

Sidooo kale waxaa lasoo raaciyay “Waxaa ay ciidamadu ay gacanta ku dhigeen laba ruux oo ku luglahaa soo dejinta shidalka kuwaasi oo baaritano ay ku socdaan”.

Hore ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sidan oo kale u fashliyay hub iyo saanad ay doonayeen inay Al-Shabaab kala soo dagaan halkaasi.

Hawlgalada wali ka socda gobolada dhexe.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo deegaanada badan ka xoreeyay kooxda.

Post a Comment

0 Comments