Maxkamadda Racfaanka oo maanta soo gabagabeysay dhageysiga kiiska Sayid-Cali

Maxkamadda Racfaanka oo maanta soo gabagabeysay dhageysiga kiiska Sayid-Cali

Maxaa kasoo cusboonaaday kiiska Sayid-Cali.

Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga kiiska loo haysto Sayid-Cali Macallin Daa’uud, oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed, ayadoo maanta maxkamadda ay ka yeelatay fadhigii saddexaad.

Fadhigan oo ahaa kii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka qayb-galay dhinacyada u dhexeyso doodda oo ah xeer ilaalinta iyo qareenada difaacaya eedeysanaha iyadoo dadweyne kale oo ay ku jiraan ehellada labada dhinac.

Maxkamadda oo dhagaysatay qareennada difaaca eedeysanaha.

Maxkamadda ayaa maanta fursadda uga badan siisay qareennada difaaca eedeysanaha, kuwaas oo lasiiyay fursad ay kusoo bandhigeen cadeymahooda iyo doodahooda, maadaama horay loo dhageystay xeer ilaalinta qaran oo iyadu soo oogtay dacwaddan.

Sidoo kale waxaa maanta maxkamadda kasoo muuqday howlwadeeno iyo dhaqaatiir ka tirsan Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho oo ay marxuumadda ku geeriyootay, waxaana wax laga waydiiyay qaabka ay ula tacaaleen marxuumadda iyo sida ay ahayd xaaladdeeda.

Eedeysane Sayid Cali oo ka hadlay goobta.

Eedeysane Sayid Cali oo isna ka hadlay goobta wuxuu dalbaday in aan la siyaasadeyn kiiskiisa, loona eego dhanka cadaaladda oo haddii uu dambe leeyahay la xukumo.

“Aniga ma dilin xaaskeyga, haddii uu dambigaan igu cadaado isla berri hala’ii dilo” ayuu yiri eedeysane Sayid-Cali Macallin Daa’uud.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka oo ku dhawaaqay in lasoo gabageeyay dhageysiga kiiskan ayaa sheegay in go’aanka rasmiga ah ay ku dhawaaqi doonto fadhiga xiga, ayna soo muddeyn doonto maalinta la shaacinayo xukunka.

Post a Comment

0 Comments