Mudug: Dagaal culus oo dhexmaray dad shacab ah iyo Al-Shabaab



Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyooday, 6 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal dhexmaray kooxda Al-Shabaab iyo dadka deegaan ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalku wuxuu bilowday Jimcihii ka dib markii malayshiyaad hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, oo gacanta ku haysa qaybo ka mid ah gobolka, ay isku dheceen dadka deegaanka Shabeellow oo qiyaastii 20 km dhanka galbeed kaga beegan degmada Bacaadweyn, oo saldhig u ah qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Wariyaha A C   ayaa warbixintan ka soo diray Gaalkacyo.

Post a Comment

0 Comments