Farmaajo oo doonaya inuu meesha ka saaro Xildhibaan Aamina Cabdi

doorashooyinka aqalka hoose


 A C -WARAR

Xildhibaan Aamina waxay si toos ah u wajahday dhinacyada ku eedeysan kiiskaan,ikraan si gaar ah Fahad Yaasiin iyo kaligiitaliye Farmaajo, ayaa hoggaanka Villa Somalia waxay Cali Guudlaawe ku cadaadinayaan inuu bixiyo Xildhibaanada

Qorshooyinka ay Cali Guudlaawe miiska usoo saareen waxaa kamid ah inuu kursigaas ka dhigo qoondo rag oo uu ka saaro qoondada dumarka.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa waqti badan gelinayo, in ay meesha kasaaraan cid walibo oo kiiska ku lug leh sidoo kala Yuusuf Dabageed oo ah hoggaamiye ku xigeenka HirShabelle ayaa kamid ah dadka howshaan lagala hadlay.

Hoggaamiyaha hirshabelle cali guudlaawe oo kamid ah madaxda maamulada ee inta badan sida haboon wax u xeeriya ayaa la eegayaa siduu u wajaho kursiga gabadhaan la rabo in loo beegsado sidii ay uga hadashay kiiska ikraan

dadka kasoo jeeda hirshabelle ee siyaasadda cali guudlaawe isha ku haya qaarkood waxay leeyihiin kursigaan waxaa dul saaran sumcadiisa hoggaamineed maadaama ay shaac tahay cadaadiska lagu saarayo inuu xildhibaan Aamina dhaafiyo kursiga si ay Farmajo iyo Fahad uga aargoostaan baraaruga bulshada iyo midka reerka dhexdiisa ah ayaa xooggan balse lama yaqaan waxa ay u goyn karaan xildhibaanad aamina cabdi

Xatooyo lagu sameeyay Kursiga Xildhibaanka,Aamina Maxamed Cabdi sida ku dhacday inta badan Kuraasta Doorashada Gobolada Waqooyi, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxay keeni doontaa diidmo hor leh oo shacabka iyo in la aqoonsan waayo Doorashadaas

Dhanka kale Ra`iisul wazare Rooble ayaa umuuqda mid aan lagu aamini karin masuuliyada doorashooyinka dalka ka socda, Kadib markuu shaaciyay inaanu shaqo ku laheyn sixitaanka qaladaadka doorashooyinka, yadoo uu haysto dhammaan awoodihii u saamaxayay arintaas.

Haddaba maxaan ka filan karnaa ra’iisal wasaare rooble ka dib markii uu noqday wakiilka farmaajo oo uu caddeeyay hadalkaas ka dib in uusan mas’uul ka ahayn sixidda xadgudubyada doorashada inkastoo uu leeyahay dhamaan awoodaha u saamaxaya in uu sidaas sameeyo

tan iyo markii loo igmaday xilka iyo sugidda doorashooyinka ra’iisul wasaare rooble ayaa ku hungoobay in doorashada ay noqoto mid aan daacad ka aheyn waxa uuna gabi ahaan daacad u noqday farmajo waxa uuna ku dadaalayaa sidii uu ku shuban lahaa doorashada isaga iyo guddiga doorashada ee uu magacaabay

 

Post a Comment

0 Comments