Talo : Gabdhaha aaminsan soddohday gurigeeda ha joogto oo yaanay gurigayga iman waxa aan leeyahay:

Talo : Gabdhaha aaminsan


A C-WARAR

walaaleey soddohdaa gurigaaga maba timaadeene kuumana imanaysee wiilkeeda ay soo korsotay ee 30 jirka soo leekaysatay u celi adiguna.

Soddohdu waa waalidka qofka aad nolosha ka soo xulatay ee aad jeclaatay. Waa hooyadii soo korisay ninkan aad naxariistiisa iyo hadalkiisa ka heshay ee kumanaanka ragga ah aad ka soo soocotay. Ogow qofkii soo koriyey qofkaa ku cajabiyey maaha qof ku dhibi kara. Ma na aha qof xumaan kula dooni kara. Iyadaa kaa jecel in wiilkeedu faraxsanaado oo ay aragto carruur ay ku Indho qabowsato oo ay ayeeyo u tahay.

Suugaanta Soomaalida gaar ahaan buraanburka marka ay la dardaraamayso waxa ay gabadha ku tidhaahdaa: naa yay na soo gaadhin digsigay daboolataa, oo yay na soo gaadhin daaheeda lama qabsado.

Markale waxa ay tidhaahdaa: qabiilka xanbaaro oo qoyska dhabarka saar.

Waa nasiib in aad hesho nin leh hooyo, aabbo, iyo walaalo. Qoysku waa waxa ugu cajiibsan dunida. Sida aanaadaan u jeclayn in ninkaagu uu dhibsado ehelkaaga, adna ha dhibsan ninkaaga ehel kiisa.

Waxa aan ku soo koray guri buuxa, oo dadku is wada jecel yihiin, oo ayeeyo, awoowe, habaryar, eedo, inaabti iyo habarwadaag ba lawada nool yahay, farxad iyo jacayl mooyee wax dhib ahna kama arag dadka ehelkayaga ah ee nala soo koray.

Talo ka timi gabadh aan weli guursan laakiin u diyaar ah in soddohdeed iyo soddogeedba ay meel ku wada noolaadaan.

 

Post a Comment

0 Comments