Beesha Caalamka oo Markale Ku Baaqday In doorashada si degdeg ah loo qabto

 

doorashooyinka

A C-WARAR

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliya ayaa waxaa looga hadlay heshiiska cusub ee ay magaalada Muqdisho ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaran oo go’aano kasoo saaray xaaladda dalka iyo doorashooyinka qaxay kaloo ay sheegeen in ay madaxda maamul goboleedyada ee taageersan Farmajo ay u hogaansamaan go’aannadii kasoo baxay kulanka

isla markaana shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta aysan ka aqbali doonin inay mar kale ku shubtaan doorashada iyagoo carabka ku adkeeyay in doorashada ay ku egtahay 25-ka bisha February sidii loogu talagalay ay u qabtaan islamarkaana Farmajo uu u hogaansamo go’aanada la gaaray

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Magaalada Muqdisho uga socday madaxda maamul goboleedyada Dalka, duqa Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lasoo geba-gabeeyey.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray 18 qodob oo ku saabsan hab-raaca doorashooyinka dalka iyo amniga kadib dood socotay 6 maalin.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka kasoo baxay ayaa waxa ka mid ah in Amniga Madaxtooyada ay sugaan ciidamada AMISOM, iyadoo aan marnaba lasoo hadal qaadin amniga dalka, oo sida la sheegay laga heshiin waayey.

Shacabka soomaaliyeed waxay cadeynayaan in aanaa u dulqaada doonin cid kasta oo xagal-daacineysa dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Rooble kuwaas oo ku saabsan qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo si nabad ah dalka uga dhacda ayna isugu soo baxaan dadka ku nool magaalada muqdisho

banaanbax ay ku sii xoojiyaan taageerada ay u hayaan Rooble maalinta Khamiista soo socota haddii uu farmajo adeegsado maleeshiyaadka uu asiga soo tababartay ayna isku dayaan in ay ka hortagaay banaanbaxyada ama la isku dayo in lagu kala eryo waxay horseedi doonto iska hor imaadyo hubeysan iyo burburka xasiloonida Soomaaliya

 

Post a Comment

0 Comments