Dayuurad ay leedahay shirkadda American Airlines oo u kala gooshaysay
magaalooyinka Miami iyo London ayaa dib ugu laabatay garoonkii ay ka soo
kacday, kadib markii haweeney ka mid aheyd rakaabkii saarnaa ay diiday iney
xirato maskaraha la isaga difaaco cudurka Covid-19 oo rakaabka dhamaan ay
wateen.
Dayuuradan ayaa waxaa la socday 129 rakaab ah, waxayna ku duuuleysay
duulimaad tirsigiisu ahaa AAL38, iyadoo dayuuradda laga dejiyay oo booliska loo
gacan geliyay haweeney da’deedu lagu qiyaasay 40 jir.
Sidoo kale, Haweeneydan ayaa waxaa lagu daray liiska dadka laga mamnuucay
inay raacaan diyaaradaha shirkadda American Airlines, inkastoo shirkadu
sheegtay in baaritaan ayaa lagu sameyn doono dhacdadan.
Diyaaradda ayaa dib u labatay kadib markii ay muddo saacad ah duulaysay,
waxaana haweeneydan ay fadhiday qeybta dabaqada koowaad ee diyaaradda sida ay
sheegeen qaar ka mid ah rakaabka.
0 Comments