Farmaajo ayaa wali isku dayaya in uu xado kuraasta xitaa kadib heshiiskii golaha wadatashiga qaranka.

 

soorashooyinka

A C WARARA

HirShabeelle waxaa yaala 38 kursi oo Golaha Shacabka ah, 13 waxay taallaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka, halka 25 kursi ay taallo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Hadaba farmaajo si uu musuqmaasuqo 25 kursi ee yaala beledwayne wuxu General Abuukar Xuud uu heshiis kula qaatay Villa Somalia.Qorshaha farmaajo waa musuqmaasuq oo qudha.

Illo ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa ku waramay inay waqti dheer qabeen tuhun ah in Villa Somalia gacan xooggan ku leedahay qorshaha Xuud ee dhulka howdka ah ee magaalada Beledweyne, haddana ay iyaga ujeedo kale damacsan yihiin.

Farmaajo iyo Fahad waxay tuhun badan ka muujiyeen sidii uu Cali Guudlaawe u maareeyey doorashadii Aqalka Sare, markaas kooxdan ayaa aamintay in uusan Cali ugu adeegayn inuu u musuqmaasuqo doorashada ka dibna jid gooyooyin ayay Villadu sida qarsoon ugu dhigtay Cali Guudlaawe waana General Abuukar Xuud oo ay u hubeeyeen si uu u khalkhal galiyo amniga hirshabeele

Farmaajo iyo la taliyihiisa Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir waxay heshiis ku ahaayeen in Cali Guudlaawe loo dhiibo hoggaanka maamulka Hirshabelle, balse dad badan ayaa aaminsan in Cali Guudlaawe uu noqon waayey ninkii ay filayeen, kadibna waxaa lagu eedeynayaa inay u abuureen dhowr jidgooyo.

Mid kamid ah jid gooyooyinkaas ay Villadu sida qarsoon ugu dhigtay Cali Guudlaawe waa General Abuukar Xuud ayey dadka badi

Farmaajo ayaa xulufo la sameeyey General Abuukar Hood kadib markii uu ku qaabilay Villa Somalia si uu ugu xado inta ka harsan kuraasta uu ku fashilmey cali Guudlaawe in uu u soo xareeyo sida Baldwin oo kale

Kala shakiga Villa Somalia iyo Cali Guudlaawe waa xooggan yahay, waxaana arrinta sii xoojinaya sida uu Guudlaawe waayadaan ugu badnaa dhanka Ra’isul wasaare Rooble intii uu jiray khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

 

Post a Comment

0 Comments