Qoor Qoor oo doorasho boob ah kawada Galmudug Jadwalka qabashada Afar kursi oo la shaaciyay

Qoor Qoor oo doorasho boob ah kawada Galmudug


A C-WARAR

Guddiga Doorashada Maamulka Galmudug, ayaa maanta ku dhawaaqay Jadwalka Doorashada 4-ta kursi ee Golaha Shacabka Maamulkaasi, iyadoo ay diidan yihiin Odayaasha Beelaha oo la dhageystay, halka Qoor Qoor uu u magacaabay Xildhibaanada taabacsan inay u gudbiyaan Xildhibaanada taageersan Farmaajo. .

Qoorqoor oo xubin ka ahaa heshiiskii Golaha wadatashiga Qaranka ee dhawaan lagu heshiiyay ayaan fulin wixii lagu heshiiyey waxayna Galmudug shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 4 kursi oo ay ka taagan tahay cabasho xoogan, islamarkaana ay dacwo kasoo gudbiyeen Odayaasha dhaqanka beesha iska leh.

Qoor Qoor doorasho boob ah ayuu kawada Galmudug Kuraasta la shaaciyay waa ku aan waafaq saneen khodabadii lagu heshiiyey shirkii wada tashiga qarnka ee uu dhawaa RW rooble iyo madaxda maamull gobleedyad ay ku gaareen afisyooni

Kuraasta la shaaciyay ayaa kala ah HOP#248, HOP#064, HOP#089 & HOP096 kuwaas oo lagu wado inay doorashadooda dhacdo 27 Janaayo 2022.

Kuraastan jadwalkeeda la shaaciyo ayaa waxaa ku fadhiya;

HOP#248: Maxamed Axmed Abtidoon

HOP#064: Sahra Cumar Maalin.

HOP#096: Cabdicasiis Cilmi Cali.

HOP#089: Cabdi Shire Jaamac Ciyaar jecel.

Galmudug waa maamulka kaliya sida xun u qabanaya doorashada isagoo soo saaranaya liis ay usoo gudbisay Villa Soomaaliya islamarkaana ka reebaya dadkii waxgalka ahaa.

Dhinacakale Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka digaya sii socoshada wax isdaba marinta doorashada, waxayna dalbanayaan in banaanbaxyada la sii wado ilaa inta laga soo afjarayo xadgudubyada lagu sameeyay hanaanka doorashada






Post a Comment

0 Comments