Fahad Yaasiin oo calooshood u shaqeystayaal iska sii hormariyey si xoog loogu soo doorto Baldwin

 

boobkii doorasho oo sii scdo

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo hadda ah lataliyaha amniga ee Farmaajo kaa oo xildhibaanimo u doonananaya Baladweyne. ayaa shalay ciidan iyo ergo ka dagsaday magaalada Baladweyne kuwaa oo lagu xareeyay xerada ciidamada AMISOM ee magaaladaas iyadoo ay xusid mudan tahay in doorashadiisa la filayo iney dhacdo maalinta Berri ah.

Fahad Yaasiin ayaa ah khatarta ugu weyn ee caqabada ku ah madax banaanida iyo kalsoonida lagu qabi karo hanaanka doorashada, waxa uuna dil iyo caga jugleyn ku wadaa dhamaan dadka kasoo horjeeda ee ku sugan magaalada Beledweyne

si uu kursiga ugu soo fadhiisto, xilli ay diidan yihiin beelaha iyo odayaasha magaalada in ay xado kuraastooda. wuxuuna soo abaabulay dilkii taliyaha booliiska Beledweyne kadib markii uu diiday tallaabooyin uu Yaasiin ku soo rogay ciidamadiisa ku sugan magaalada.

Kursiga sumadiisu tahay Hop#086 waa kan ugu adag kuraasta taala magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana 5-tii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir, iyadoo hadda uu damaca kaga jiro Fahad Yaasiin agaasimihii hore ee NISA.

Waxaa jiro doodo culus oo ka taagan doorashada kursigaas, guddiga FEIT ayaa xalay hakiyay balse waxaa ku gacan seeray kan SEIT ee HirShabeelle, Waxaa muuqato in uu jiro qalqal amni iyo khilaaf hor leh oo ka dhashay doorashada kursigaas, iyadoo saameentiisa laga dareeemayo gudaha iyo dibadba.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dedaal badan ku bixinaya inuu hor istaago damaca xildhibaanimo uu doonayo Fahad Yaasiin iyadoo Villa Soomaaliya ay ku adkeysaneyso qabashada doorashadaasi iyo In Fahad lasoo asaro.

 

Post a Comment

0 Comments