Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa weli wadah ku shubashada doorashooyinka golaha shacabka ee goblada raacsan

boobkii doorashada oo sii socdo


Dunida kale waxay eegayaan waxa ka socda Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed waxuu xaalkoodu marayaa “Allow dhan u bixi”balse siyaasiyiinta ayaa jilaya ruwaayad jiliinkeeda lasii ogyahay sida ay ku dhamaaneyso, waana boobka doorashada.

Gudoomiyaha amniga iyo siyaasadda Gobalka Banaadir Cali Yare Cali oo loo yaqaano (Cali Jeeb ku jire) ayaa maanta loo diiday inuu ka dhoofo garoonka aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Cali Yare ayaa ku wajahnaa magaalada Guriceel ee Galmudug halkaa oo uu doonayay inuu uga sii gudbo magaalada Dhuusomareeb isagoo doonayay in garoonka uu kala dhoofo ciidan badan oo ilaalo u ah.

Fahad yasiin iyo nabadsugida NISA ayaa ka hor istaagay in xitaa uu gudaha u galo garoonka aadan Cadde maadama ay mamnuuc tahay in garoonka lala galo hub iyo ciidan badan.

Shalay ayey aheyd markii sidan oo kale ay ku dhacday gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka Cabdiwali Muudeey oo isaga iyo ciidan uu watay laga hor istaagay iney u dhoofaan magaalada Baraawe.

Guddoomiye Cali Yare ayaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ku eedeeyey inuu ka dambeeyey in la baajiyo safarkii uu ku tagi lahaa magaalada Guriceel halkaas oo uu qorsheenayey inuu kaga sii gudbo magaalada Dhuusamareeb.

Cali Yare ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu hay’adda NISA ka dalbaday in la baajiyo safarkiisa, balse wuxuu sheegay in Hey’adda NISA ay taas diiday.

Cali yare ayaa ka mid ahaa dadka aad ugu dhaw Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  Cali ayaa u sharaxnaa mid ka mid ah kuraasta taala Magaalada Dhuusomareeb kuwaas oo deegaan doorashadiisa tahay Galmudug.

 Cabdiweli Muudey iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee xukuumadda, Xasan Cali Khayre iyo cali yare ayaa dhibane u yihiin nidaamka Villa Somalia, oo ay wax ka dhiseen.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa khiyaameeyay rag badan oo iyaga daacad u ahaa, sida Cali Yari, C/wali Modi iyo Xasan Khayr, inkastoo ay u adeegayeen xukuumadda dabadhilifka ah ee Farmaajo intii uu talada hayay.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa isku dayaya in ay kuraas u helaan madaxweynayaashii hore ee NISS sida Fahad Yaasiin laftiisa, Cabdullaahi Kulan iyo Yaasiin Fary si ay u helaan xasaanad ugana baxsadaan in lagu xukumo dambiyada ay galeen. eey ugu horeeso dilkii ay u geeysteen ikraan talhiil


Post a Comment

0 Comments