Farmaajo oo ka qayb galaya Meertada 35-aad ee Shir-madexeedka Midowga Afrika ayaa ka jeediyey khudbad been ah

 

farmaajo

Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisu guulo ka gaartay dagaalka Al-Shabaab, xilli uu khudbad ka jeedinayay shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

Farmaajo, waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dib u dhis ku sameysay ciidamada xoogga dalka, se sida dhabata ah waxa uu dhisey ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo aan ka hor imaan karin howlgallada alshabaab xitaa gudaha caasimadda Muqdisho, sika dhaaf in eey amaanka dalka sugaan

kooxaha wax qiimeeya arrimaha amniga waxay sheegayaan in xaaladda ay kasii dartay. Cabsi gelinta lagu hayo shacabka, qaraxyada gaadiidka lagu xiro, mid cusub oo qof socdo uu gaari qabsanayo, weerarada tooska ah, toogashada iyo dagaalka ciidanka dowladda dhexdooda ah ayaa hareeyey caasimadda oo ah meesha qura oo ay su buuxda ugu shaqeyso dowladda federaalka ah.

Nidaamka madaxweyne Farmaajo ma qaban wax weyn oo amniga la xiriira ayey ku doodayaan khubarada ammaanka, balse sidaas oo ay tahay madaxweynaha wuxuu qabaa in amniga sidii hore kasoo fiicnaaday.

5 sano ayaa u go’day inta Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu qaab sharci ah iyo mid sharci darro ahba ku joogay Villada Somalia, in kasta oo wasiirkiisa maaliyadda uu qirtay in maaliyadda ay sagxadda gaartay, haddana waxaa muuqata inuu sidoo kale jiro farqi weyn oo u dhaxeeya xagga amniga, federaaleynta, dhaqaalaha iyo xataa arrimaha dibadda, marka la qiimeeyo halkii uu 2016-kii ugu yimid iyo halka uu maanta 2022-ka uga tagayo.

Haddaba,  isbar-bardhig ballaaran iyo qiimeyn lagu sameeyey muddo xileedkan Farmaajo (2017-2022) iyo midkii madaxweyne Xasan Sheekh (2012-2016), ayaa lasoo bandhigay iyada oo aan dul istaagi doonno qodobbo muhiim u ah dowlad dhiska Soomaaliya, isla markaana lagu ogaan karo cidda wax qabatay labada mas’uul, oo ugu dambeyntii lagu cabbiri doono mid weliba meesha uu ugu yimid iyo halka uu wax uga tagay.

September 10, 2012 markii madaxweyne Xasan Sheekh loo doortay madaxtinnimada, Al-shabaab waxay heysteen 80% koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, keliya waxaa xor aheyd caasimadda iyo magaalooyinka ku teedsan sida Balcad iyo Afgooye, si dowladnimada iyo amniga loo baahiyo inta uu Xasan Sheekh joogay xafiiska waxaa uu Shabaab ku qaaday saddex hawlgal oo kala ahaa:

 Shabeel oo xor looga dhigay Muqdisho illaa Jowhar, Hawgalka Gorgor oo lagu xoreeyey 10 magaalo sida Xuddur, Buulo-burde, Jalalaqsi, illaa Beledweyn, Ceelbuur iyo hawlgalka Badweynta Hindiya oo lagu qabtay 8 degmo oo u badan xeebta oo ay ku jireen Cadale, Marka illaa Baraawe.

Farmaajo waxaa uu ku guul-darreystay dhammaan nidaamkii dowladnimada, marka laga soo tago inuu ku fashilmay amni, federaaleyn, dhaqaale iyo arrimo dibad, ma dhisin hal hey’ad dastuuri ah, sida uu wasiirkiisa maaliyadda ee Beyle heegay wax walba waa sagxadda, taasi oo muhiim u ah marka la qiimeynayo haddii ay rajo ka gasho dib usoo noqosho dambe

Post a Comment

0 Comments