Maraykanka oo kusoo Rogay Xayiraad Madaxda Somalia, oo uu ugu horeeyo farmaajo Kadib dib u dhicii doorashada

 

Farmaajo oo sababay cunaqabateynta Mareykanka ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa ka mamnuucay in mas’uuliyiin Soomaali ah oo uugu horeeyo madaxweenaha waqtigiisa dhamaadey ee farmaajo  iyo shaqsiyaad kale ay u safraan Mareykanka, isagoo ku eedeeyay in ay wiiqayaan hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Mareykanka uu soo rogay xayiraadda fiisaha kadib markii Soomaaliya ay dib u dhigtey doorashadii baarlamaanka ee 15ka March.

“Hadda waxaan ku soo rogaynaa xannibaado fiisaha iyadoo la raacayo siyaasaddan ka dhan ah tiro ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida iyo shakhsiyaadka kale si kor loogu qaado isla xisaabtanka falalkooda is-hortaagga ah,” Blinken ayaa ku yiri bayaan ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Hase yeeshee  Sababta ugu weyn ee uu Mareykanka ugu dhawaaqay in uu cunaqabateyn ku soo rogay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ayaa ah dib u dhaca doorashada oo ka dhashay faragelinta joogtada ah iyo wax isdaba marinta Farmaajo.

Doorashada baarlamaanka oo soo bilaabatay bishii November ayaa ah mid dadban oo ay ku lug leeyihiin odayaasha beelaha soo xulaya 275-ta xubnood ee aqalka hoose, iyagoo markaasi dooranaya madaxweyne cusub waqti aan weli la cayimin.

Xogta ka soo baxday xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ayaa muujineysa in 4.3 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ay saameeyeen abaaro, iyadoo 271,000 ay barokaceen.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab oo inta badan ka hesha farmaajo iyo fahad yasiin ayaa weeraro qoryo iyo qaraxyo ah ka geysta caasimadda Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya ka tirsan ayaa sidoo kale caqabad ku noqday doorashada.

Bartamihii bishii hore ee Feberaayo, weerar ismiidaamin ah ayaa lala beegsaday bas yar oo ay ka buuxaan ergooyin doorasho, waxaana ku dhintay ugu yaraan lix qof magaalada Muqdisho. Ergadii wax dhaawac ah masoo gaarin.

Farmaajo waxa uu  dalka u horseedaya fowdo kadib markii doorashada dib loo dhigay iyo wax isdaba marinta.

 

Soomaaliya ayaa lumisay kalsoonida beesha caalamka kadib markii ay ku dhameyn weyday doorashada Farmaajo musuq maasuq iyo wax isdaba marin. Soomaaliya uma dulqaadaneyso wax ciqaab ah, gaar ahaan xaaladda dowladeed ee musallifnimada iyo abaarta daran ee dalka ku dhufatay

 

Post a Comment

0 Comments