Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya,
Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb-galay munaasabad lagu soo
gaba-gabeynayey doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa farriin u diray
madax goboleedyada dalka.
Rooble ayaa dowlad-goboleedyada dalka ku
boorriyey inay doorashada xildhibaannad deg deg u soo gebagabeeyaan, si waqtiga
looga faa’iideysto, loona fuliyey heshiiskii Muqdisho.
Sidoo kale wuxuu hambalyo u diray xildhibaada
gobollada waqooyi ee lagu doortay magaalada Muqdisho, isaga oo boggaadiyey
guddiga Somaliland ee qabtay doorashadaasi.
“Waxaa ku ammaanayaa guddiyada doorashada
Somaliland (SEIT) iyo Heer Federaal howsha adag ay qabteen iyo in ay doorashada
ku soo dhammeeyeen ka hor xilligii loo asteeyay oo ah 25-ja bishan Febraayo ee
sanadka 2022-ka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.
Dhinaca kale qoraal kasoo baxay guddiga SEIT ee
Somaliland ayaa lagu sheegay inay sharaf u tahay inay iyagu doorashada
bilaabaan, haddana ay soo hor gabagabeeyaan.
“Waxa Sharaf gaar ah u ah Guddiga Doorashada ee
Gobollada Waqooyi in ay noqdeen guddigii ugu hor bilaabay doorashada, maantana
noqday guddigii ugu hor dhammeeyay hawlaha doorashada ka hor 25/02/2022 oo ah
waqtigii loo asteeyay in lagu soo afmeero doorashada Golaha Shacabka ee BJFS”
ayaa lagu yiri qoraalka SEIT ee Somaliland.
Qoraalka ayaa intaasi kusii daraya “Waxa sidoo
kale aanu ku guulaqysanay xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, marka tirade
guud ee xildhibaannada laga saaro labo kursi oo gaar u taagan oo aannay suurtagal
ahayn qoondo haween laga gooyo. waxaan ugu baaqayaa Guddiyada SIET iyo FIET in
ay dedejiyaan hawlaha doorashada dalka oo muhiim u ah horumarka dawlad-dhiska
iyo xasilloonida siyaasaddeed iyo amni ee JFS.”.
Waa guddigii ugu horreeyey ee dhammeystira doorashada
Golaha Shacabka, ka hor 25-ka bisha Febraayo oo lagu ballamay in lagu soo
dhammeeyo doorashada Golaha Shacabka.
Ra’iisul Wasaare Roobley ayaa ku guuleystay inuu si hufan u soo afjaro
doorashada gobollada waqooyi, una hoggaansamo qoondada haweenka. .
Marka la barbardhigo doorashadii xumaaday ee Galmudug, Koonfur Galbeed iyo
Hirshabelle.
Walaac dhanka ammaanka ah ayaa jiray tan iyo markii ay bilaabatay hanaanka
doorashada, waxaana ciidamada isku dhafka ah (Dowladda iyo kuwa Afrikaanka) ay
qaadeen dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo sugo doorashada.
0 Comments