vilasomaliya ayaa Axmed Qoor Qoor u gudbiyay liis ay ku qoran yihiin shaqsiyaad lagu amray inuu ka dhigo xilibaano iyo wasiiro

 

farmaajo

Farmaajo ayaa Axmed Qoor Qoor u gudbiyay liis ay ku qoran yihiin shaqsiyaad lagu amray inuu ka dhigo Wasiiradda Maamulkiisa Dhuusamareeb.

Shaqsiyaadka Liiska cusub ku qoran waxaa ka mida xeer ilaaliyahii musuqmaasuqa badnaay ee Reer Ethiopia Mr Axmed Cali Dahir. oo ku dhashay dhulka Somalida ee Ethiopia gumeeysato waxaa lagu xasuustaa naceybkiisa qaar ka mida beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan Habargidir ,Abgaal iyo Ogaadeen.

Dhinacakale Luul Maxamed Sheekh oo aheyd musharax xildhibaan, balse ka soo quusatay inay tartanto ayaa eedeymo culus u soo jeedisay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo xubnaha kala ah Dhegey iyo Dhegdheer oo sanadkaan mar kale ku guuleystay inay ka mid noqdaan baarlamaanka 11-aad.

Luul oo waqti badan ku bixisay inay u tartanto kursiga beesheeda ayaa sheegtay in hadda ay isaga soo tagtay Dhuusamareeb, kadib markii ay ogaatay in Kheyre iyo Qoor Qoor ay soo qorteen liiska dhamaan xubnaha ay siinayaan kuraasta baarlamaanka ee taalla deegaanada Galmudug.

Sidoo kale Luul ayaa cadeysay in mar hore la xushay dadkaas oo hadda waxa ka socda Galmudug aysan doorasho aheyn, iyadoo tiri, “Waxa Galmudug ka socda waxaa Aabe u ah Qoor Qoor, hooyana waxaa u ah Xasan Cali Kheyre, Abaayo iyo Aboowana waxaa u kala ah Dheg-Dheer iyo Dhagey.”

Waxay sheegtay in afartaas nin ay go’aan ka wada gaaraan xulasho ay sheegtay in Galmudug ay ka socoto, sidoo kale waxay xubnahaas ku eedeysay in qoondada dumarka aysan ogoleyn.

“Axmed Qoor Qoor xaq kuma shaqeyn, inta dhimana xaq laga sugi maayo, aniga afkiisa ayuu igu yiri doorashadaas waa mid dadban, ninkii aan doono Tuur ayaan u yeelaa, kaan rabana lugtiisa ayaan gacan uga dhigaa, sida aan rabo ayeyna ku dhamaneysaa,” ayey tiri Luul Maxamed Sheekh.

Hadda waxay sheegtay inay go’aansatay inay ka soo laabato Dhuusamareeb, iyadoo aan tartamin, kadib markii sida ay sheegtay loo cadeeyey in aysan tartami karin.

“Qoor Qoor doorasho xalaal ah meesha kuma hayo, qabiil kasta kuraastiisa waxaa go’aan ka gaaraya Dhegey iyo Dhegdheer, Kheyrana gadaal ayuu ka fadhiyaa, qof kasta oo kursiga ka daananaya Galmudug, mindidii caloosha laga gelin lahaa horay ha u qaato,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Luul Maxamed Sheekh.

Waxay sheegtay in Xasan Cali Kheyre uu dhibaato badan ku hayo Galmudug iyo beeshiisa Murusade, iyadoo balan qaaday in si goos goos ah ay u soo bandhigi doonto dhibaatooyinkaas.

Dulmiga, boobka, iyo dhaca looma tanaasulo, waa laga horyimaadaa, haddii kale waxaa raalli ka noqonaysaa, ama furaysaa waddo cusub ee mustaqbilka noqota "precedent" - "laga tilmaan qaato", shacabkana u horseeda in dulmi iyo boobku yahay wax iska caadi ah”.

"Maamul kasta iyo siyaasiin kasta ee indhaha ka qabsada runta iyo xaqiiqda, islamarkaasna oggolaada in la baal-maro dastuurka iyo xeerarka lagu hishiiyay, ma filaayo in danta gobolka ka shaqaynayaan iyo badbaadada shacabkooda”.

"Mas'uulka iyo maamulka lagu doorto si aan xor iyo dimoqoraadi ahayn, natiijada ka soo baxaysa, waa mid noqonaysa maamul gacan-ku-rimis ah ee ka adeegta Galmudug ee xaqiiqdii aan u adeegayn magaca ay huwan yihiin”.

 

Post a Comment

0 Comments