Cabdiraxmaan Dheere Gacan yarahii fahad yasiin oo waayey kursiga HOP#124

 

fahad yasiin oo ku fashilmey in uu saaxiibkii u difaaco kursiga

Siyaasiga Cabdiraxmaan Dheere oo ah gacan yaraha la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa waayey kursiga xildhibaanimo ee beeshiisa, kaas oo uu tirsigiisu yahay HOP#124, islamarkaana yaalla Kismaayo.

Cabdiraxmaan Dheere oo kursigan ku fadhiyey 12-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa sameeyey isku dayo iyo dadaallo xoogan si dib loogu doorto, balse uma suuragelin, waxaana ka adkaaday isaga iyo kooxda Fahad Yaasiin hoggaamiye Axmed Madoobe.

Ninkan oo isaga oo xildhibaan ahaa ku shaqeynayey sarkaal ka tirsan NISA ayaa sidoo kale isku dayey inuu kursiga kasoo wareejiyo deegaan doorashada Kismaayo, balse waxaa kasoo horjeestay beeshiisa oo ku gacan seertay damaciisa ah in loo weeciyo magaallo kale.

Nadiif oo haatan qaatay shahaadada musharaxnimada ayaa sidoo kale ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee kasoo jeeda deegaanada Jubbaland, wuxuuna mar isku soo taagay xilka madaxweynaha, walow aan la ogeyn kooxda uu haatan ka tirsan yahay

Fahad Yaasiin ayaa isku dayay in uu Axmed Madoobe u bandhigo lacago laaluush ah oo lagu qiyaasay 3 milyan oo dollar si uu u aqbalo been abuurka kursigii uu ku lahaa Daahir, Madoobe waa uu diiday.

Waxaa cad in Fahad Yaasiin uu isku dayay in uu gacantiisa midig Dheiri kursigiisa ku helo si aan sharciga hortiisa loogula xisaabtamin, sida uu sameeyay Yaasiin Fary, Cali Jees iyo xubno kale oo Nisa ah oo ka qeyb qaatay dambiyadii uu galay. .

Fahad Yaasiin iyo taageerayaashiisa kuma guuleysan karaan doorasho xor ah oo ka baxsan meelaha ay saameynta ku leeyihiin.

Nasiib darro, dhammaan taageerayaashii Farmaajo waxay ku guulaysteen doorashada musuqmaasuq iyo laaluush.

 

Si kastaba, gacan yaraha Fahad Yaasiin ayaa arrintan u eersaday kaalintiisii ku aadaneyd dagaalkii ay Villa Somalia la gashay Jubbaland, kadib dib u doorashadii Axmed Madoobe

 

Post a Comment

0 Comments