doorashooyinka Garbahaarey oo noqotey caqabad hortaagan dhameestirka doorashooyinka dalka

 

farmaajo oo ku dhagan in uu afduubto kuraasta Garbahaarey





Magaalada Garbahaarey waxaa weli ka taagan dood xoogan oo hareysay doorashada 16-ka kursi ee taalla gudaha magaaladaasi oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe halka qaswade farmaajo uu rabo in uu ku shubto kuraasta halkaas sidaa darteet ayuu fawdo halkaas uga kicinaayaa

16-ka kursi ee baarlamaanka Gharbehari waa in loo raro Kismaayo ama Muqdisho: sababtoo ah kow waa caasimad dowladeed, tan labaadna waa caasimadii dalka, waxaa u dheeraa.

Waa inaan la iloobin isku daygii Farmaajo ee ahaa in uu ku xad-gudbo guddigii uu Ra’iisul Wasaaruhu u diray xalinta xiisadda doorashada ee magaalada, weerarro hubeysan oo ay ciidamada daacadda u ah Farmaajo ku qaadeen guddigaas, una hanjabay shirkado diyaaradeed oo ujeedkoodu ahaa in laga hortago in ay magaalada soo galaan.

Iyo Lacagtii Farmaajo iyo Kooxdiisu ay ku laaluusheen Beelihii daacadda u ahaa in ay kuraastii Kursiga Xildhibaanimo ku soo shubtaan, waxaa u sii dheer Diidmada Shacabka ee Farmaajo oo isku dayey in uu ku shubto Kursiga Gerbare, sidaas darteed go’aankaas uu ku yimid in Doorashadiisa lagu wareejiyo Kismaayo. si loo xaqiijiyo daacadnimadeeda

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Safiirka Mareykanka ku wargeliyay inaanan magaaladaasi lagu qaban karin wax doorasho ah, bacdamaa waqtigii lagu heshiiyay in doorashada golahaasi lagu soo geba-gabeeyo ay ku egtahay 15-ka bishan

sidhookale Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay sidii guddigaasi ku teggi lahaayeen Magaalada Garbahaarey ayaa haatan u muuqdo mid quus ka muujinaya, haddii aanu albaab kale u furmin.

Dadaalka uu sameeyay Ra’iisal Wasaare Rooble, si uu u xaliyo xiisadda doorashada ee ka taagan magaalada, ayaa ah mid rajo leh.

Maadaama uu damacsan yahay in doorashada Garbahaarey loo wareejiyo magaalada Kismaayo.

Iyadoo Farmaajo uu ku mashquulsan yahay ku shubashada doorashada, isaga oo ciidamadiisa geeyay magaalada si ay u xakameeyaan.

 

Post a Comment

0 Comments