Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay madaxweynaha xilka ka degaya ee Farmaajo iyo madaxda hadda jirta iyo kuwii hore ee Soomaaliya.

 

mareekanka oo ku soo rogey xayiaad farmaajo iyo kooxdiisa


Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay liiska shaqsiyaad Soomaali ah oo lagu soo rogay xayiraad dhanka dal ku galka ah kadib dib u dhacyo kale.

Ka dib markii dowladda Soomaaliya ay ku guuldareysatay inay ka soo baxdo waqtigii loo qabtay 15-kii bishii March ee lagu soo afjarayay hanaanka doorashada baarlamaanka Mareykanka, ayaa xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken uu soo saaray warsaxaafadeed.

Waxaan tallaabadan u qaadayaa si waafaqsan siyaasaddii aan ku dhawaaqnay 8-dii Febraayo QeyIyadoo la raacayo Qeybta 212(a)(3)(c) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadda, si loo xaddido bixinta fiisaha saraakiishaama ka qayb-qaataan wax-yeelaynta hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa sidoo kale ku dhawaaqay afarta hogaamiye ee kala ah Ra'iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Madaxweyne Farmaajo oo xilka ka degaya, Lataliyihiisa Fahad Yaasiin, Taliyihii hore ee Sirdoonka NSA iyo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka hadda Gouled .    Sababtoo ah waxay sii wadeen inay  carqaladeeyaan doorashadii baarlamaanka

inay mas’uul ka yihiin oo ay qayb ka yihiin wax-yeelaynta hannaanka doorashada Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin ku lug lahaanshaha xad-gudubyada ka dhanka ah dibadbaxayaasha, xarigga iyo caga-juglaynta xaq-darrada ah ee suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka ah, iyo ku-takri-falka hannaanka doorashada..

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa carabka ku adkeeyay in dowladiisa ay diyaar u tahay in ay qaado talaabooyin hor leh oo ka dhan ah kuwa caqabada ku ah qabsoomida doorashada, hadii aan la ixtiraamin jadwalka cusub ee ay dejiyeen Madasha Wadatashiga Qaran, iyadoo la tixgalinayo in doorashada Soomaaliya ay mar hore ka badan tahay. in ka badan hal sano dib u dhac ku yimid waqtigii loo qorsheeyay."

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto qiimeynta ka mid noqoshada siyaasadda iyo fursadaha kale ee ay heli karto, si kor loogu qaado isla xisaabtanka iyo taageeridda in si deg deg ah loo dhameystiro hannaanka doorasho ee Soomaaliya iyada oo loo marayo hannaan lagu kalsoonaan karo oo hufan..

Dowladda Mareykanka waxay si xooggan u taageertaa shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka go’an inay ka shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa dimuqraadiyad iyo barwaaqo labada dhinac ah,” ayuu yiri."

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaan marar badan ku nuux-nuuxnay inay muhiim tahay nabadda, xasilloonida, barwaaqada iyo dowladnimada Soomaaliya in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka ay ka gaaraan is afgarad ku aaddan qaab hore loogu sii ambaqaadi karo hannaanka doorashada."

Doorashada Soomaaliya ayaa loo habeeyaa qaab kakan, oo dadban, kaasoo ay sharci-dejiyeyaasha dowlad goboleedyada iyo ergada beeluhu ay soo dooranayaan xubnaha baarlamaanka qaranka oo iyaguna dooranaya madaxweynaha..

Dad badan oo indha indheeya arrimahan ayaa rumeysan in qalalaasaha ka dhex aloosan hey’adaha dowladda iyo ismari waaga doorashada ay ka weecinayaan arrimaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya, gaar ahaan fallaagada ay hormuudka ka tahay dhaqdhaqaaqa “jihaad” Al-Shabaab tan iyo 2007-dii..

 

Post a Comment

0 Comments