Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa qorsheynaya weeraro hubeysan oo lagu qalqal geliyo Soomaaliya

 

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo Al-Shabaab u adeegsada xaalad fowdo ah si ay shacabka iyo beesha caalamka uga jeediyaan musuqmaasuqa doorashada.


Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca weeraro kala duwan oo ay ku jiraan labo qarax oo mid ka mid ah uu ka dhacay magaalada Muqdisho iyo midka kale ee ka dhacay gobolka Hiiraan, iyadoo ay u sii dheer tahay weerar toos ah oo lagu qaaday fariisin ciidamada AMISOM ay leeyihiin.Dhacdadii ugu horeysay ,
ugu yaraan Askar Kenyaan ah ayaa lagu dilay, kuwa kalena waa lagu dhaawacay, Sabtidii, weerar toos ah oo Al-Shabaab, oo taabacsan Al-Qaacida, ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya.

Inta uu Fahad Yaasiin maamulo howlgallada Al-Shabaab ayaa haddana Al-Shabaab waxa ay qorsheynayaan weeraro ay dhawaan ku qaadaan xarumaha ciidamada shisheeye iyo kuwa caalamiga ahWaxaase la yaab leh in Farmaajo uu shir guddoominayo shirarka amniga, inkastoo uu isagu mas’uul ka yahay qaska iyo xasilloonida Soomaaliya

Ilo wareedyo dhanka Milatariga ah ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar toos ah dhowr jiho ku qaadeen saldhig ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada Hoose..
Ciidamada Kenya ee AMISOM ayaa iska caabiyay weerarka, waxaana ay ku qasbeen dagaalyahanada inay dib u gurtaan.

Docda kale, Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ee ku sugan degmada Ceel-Gal ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday fariisin ciidamada Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Afuur ee gobolka Bari.

Weerarka ayaa ku bilowday madaafiic, waxaana xigay dagaal saacado qaatay oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo xoogaggii weerarka soo qaaday.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in madaafiicda qaar ay ku dhaceen gudaha iyo hareeraha saldhigga, waxaana la arkayaa cabsi xooggan.

Dhanka kale, Saraakiisha Ammaanka Puntland ayaan weli ka hadlin dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay.

Weerarada ay Al-Shabaab ku qaadayaan ciidamada Midowga Afrika ama goobaha ay ka taliyaan kooxaha kasoo horjeeda ayaa bilow u ah weeraro halis ah oo lagu bartilmaameedsanayo amniga dalka, iyadoo Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay qorsheynayaan weeraro kale oo ay ku qaadaan xarumaha Ergada caalamiga ah ee Al-Shabaab. Shabaab inay soo rogaan xaalad fowdo ah si ay dadka iyo beesha caalamka uga jeediyaan wax isdaba marin dhanka doorashada ah

Maaddaama aysan hadda qarsooneyn Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa Al-shabaab u adeegsanaya fowdo si ay shacabka iyo beesha caalamka uga jeediyaan musuqmaasuqa doorashadaNysa waa gabaad kaliya oo lagu hago howlgallada Al-Shabaab

Post a Comment

0 Comments