Farmaajo iyo Qatar ayaa kala saxiixday heshiis been abuur ah, ujeedka heshiiskaas ayaa ah in lacag lagu taageero Farmaajo iyo Fahad Yaasiin xilliga doorashada.

 

farmaajo iyo qatar oo wada saxiixdhey hishiis lagu taageeraayo alshabaab


Maanta oo Axad ah waxaa dalka Qatar ku sugan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdul Raxmaan Maxamed iyo Agaasimaha Sanduuqa Horumarinta ee Qatar Khalifa bin Jassim ay ku saxiixeen Doha Heshiiska Afarta Sano ee 2022-2026 si loo dhaqan geliyo Barnaamijka Xoojinta Wadooyinka Waxbarashada.waxaan joogaa Somalia.

Waxaa hubaal ah in dhaqaalaha ku baxaya heshiiskan aan lagu darin miisaaniyadda dowladda, balse ay si toos ah ugu dhici doonto Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, Qatar ayaa muddo dheer door qaran dumis ah ku lahayd Soomaaliya, iyadoo taageero dhaqaale siisa kooxaha Islaamiyiinta ah ee xagjirka ah, si ay saameyntooda ugu soo daraan. Soomaaliya iyo deegaanka..

Nasiib darro  heshiiskani waa mid been abuur ah oo hadafkiisu yahay in dhaqaale lagu taageero Farmaajo iyo Fahad Yaasiin xilliga doorashada, dhaqaalaha heshiiskan ma galayo miisaaniyadda dowladda, balse wuxuu toos u galayaa Farmaajo iyo Fahad..

Waxaa hubaal ah in heshiiskan been abuurka ah uu ka mid yahay natiijadii ka soo baxday booqashadii uu Farmaajo ku tagay Qatar oo uu taageero ka dalbaday.

Lacagtaan wasakhda ah ayaa lagu taageeri doonaa argagixisada ay adeegsadaan Farmaajo iyo Fahad, sida dhacdadii lagu dilay wakiilad Aamina Cabdi ama weerarkii Mahala Halan..

Shaki kuma jiro hadda in howlgalladii ugu dambeeyay ee Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay maalgelisay Qatar, iyadoo caddeymo loo hayo in qofkii is qarxiyay ee dilay wakiillada Aamina Cabdi ay ka tirsan tahay qabiilka Farmaajo..

Marxaladda hadda la joogo, Muqdisho waxa ay ku jirtaa xaalad xirnaanshaha, taas oo ay ugu wacan tahay khatarta argagixisada oo sii kordhaysa Xaalada amni ayaa aad u xumaatay, dhaqaalihiina waa uu burburay, isla markaana maamul goboleedyada federaalku ay noqdeen kuwo heshiisyo xad dhaaf ah la galay, oo ay barbar socoto siyaasadda arrimaha dibadda oo kala daadsanSidoo kale waxaa curyaamiyay hay’adihii qaranka oo ay ugu wacan tahay siyaasadii Farmaajo ee fashilantay

Post a Comment

0 Comments