ICC Oo Loo Gudbiyay Dacwad Ka Dhan Ah Farmaajo, Fahad, Fareey, Jiis

 

Farmaajo iyo Nissa oo dambiyadii ay galeen loo gudbiyey ICC

Col. C/llaahi Maxamed Nuur (Nasri) ayaa shaaca ka qaaday maanta oo Isniin ah inuu Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada u gudbiyay dacwad ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo, Lataliyihiisa Amniga Qaranka Fahad Yaasiin iyo Ku-simaha Agaasimaha Nabadsugida Yaasiin Fareey.

Nasri oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee Jubaland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in sharciga la horgeyn doono dhammaan dadkii ku lugta lahaa xariggii iyo jirdilkii loo geystay intii uu ku xirnaa xabsiga Jilacow.

Waxa uu sheegay in Maxkamadda ICC ay aqbashay dacwadiisa, isagoo intaa ku daray in kiiskiisu uu sii xoogeysan doono Ramadaan ka dib.

“Waxaan rabaa in aan cadaalada ilaaliyo, aniga oo sharciga u maraya cid kasta oo ku lug yeelata xadgudubka iyo dambiyada la iga galay” ayuu yiri Col Cabdullaahi Nasri.

Soomaaliya ma ahan mid saxiixday heshiiskii Rome, kaasoo qeexaya qaab dhismeedka maxkamadda ICC iyo meelaha ay xukunto.

Nasri ayaa sheegay in kiiskiisa uu u gudbiyay safaaradaha reer galbeedka ee Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday inay gacan ka geystaan ​​sidii tallaabo looga qaadi lahaa cid kasta oo gacan ka geysata jirdilka loo geystay.

Col Nasri ayaa muddo labo bilood ah ku xirnaa xabsiga Jilacow sanadka 2019, waxaana uu si kulul uga hadlay xadgudubka lagu eedeeyay in uu kala kulmay xabsiga caanka ah.  

ICRCdu waa inay kala laabataa taageerada iyo aqoonsiga ay siiso Farmaajo iyo dowladdiisa taasoo ka dhalatay falkii arxan darada ahaa ee uu u geystay shacabka Soomaaliyeed, ma ahan oo kaliya in la jirdilay Nasri, balse waxaa jira dad naftooda ku waayay kalitalisnimada. Dawladdii Soomaaliya oo uu hugaamiyo qaswade farmaajo

 

 

Post a Comment

0 Comments