madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa weerar culus ku soo qaadeen Mafiyada farmaajo ee Baraha bulshada

farmaajo oo bilaabey in uu adeegsado Mafiyada Baraha bulshada


Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa ku faanay in ay noqdeen kuwii ugu horreeyey ee fuliyey in wax lagu doorto labo deegaan doorasho, oo aanu u baahan Haramcad iyo ciidan kale oo ay ku filnaadeen.

Madaxweynaha Koofur Galbeed waxaa uu guddiga SEIT ee Koofur Galbeed ku amaanay iney habraacyada heshiiska September 17 u fuliyeen sida ay tahay isaga oo yiri “Waxay ku mahadsan yihiin guddiga nidaamkii iyo habraacii doorashada oo aan ku heshiinnay 17 September, iyada oo Process-kii rasmiga ahaa la marayo ayey doorashadii qabteen 69-kii”. Si ka duwan hadalkaas

Laftagareen ayaa dafiray xuquuqda muwaadinka ee dastuuriga ah, isaga oo albaabada ka xirtay siyaasiyiin uu u arko in ay ka aragti duwan yihiin ama kula baratami karaan goleyaasha siyaasadda.

Dhanka kale, Madaxweyne Laftagareen waxaa uu iska indhotiray in guddiga doorashada koonfur gabeed ay laaleen go’aanno kasoo baxay guddiga heer federal ee doorashada, si ay u fuliyaan amarada madaxweynaha.

Laftagareen ayaa ku faanay in Konfur Galbed ay noqotay maamulkii u horeeyey ee bilaaba doorashada, soona dhameeyey, balse muu sheegin inuu ahaa maamulkii ugu musuqmaasuqa iyo boobka badnaa doorashada, isagoo siyaasiyin waxtar u lahaa degaankana Farmaajo awgii ugu diiday kuraastii

 Dhacdooyinka ugu muhiimsan waxaa ka mid ahaa qaar ka xanibay safaradda sida madaxweynihii isaga ka horeeyey Shariif Xasan, guddoomiye ku xigeenkii golaha shacabka Cabdiweli Muudeey, halka shahaadad loo diiday diideen ama laga xanibay tartanka sida Guddoomiye Maxamed Cusmaan Jawaari, wasiiro federaalka ah

sida Cabdirashiid Maxamed,  Jaamac Maxamed Nuur, Maxamuud Macalin Yaxye iyo qaar kale. Waxaa kale oo uu iska indha tiray tacaddiyadii ka dhanka ahaa madaxweynihii hore ee maamulka Shariif Xasan, Prof Ibbi, Maxamed Cumar Dhalxa, Idiris Dhakhtar  iyo qaar kale.

Ugu dambeyntii waxaa uu Laftagareen ku baaqay “Xildhibaannada Koofur Galbeed lagu doortay waa 77 xildhibaan, 8 Senator iyo 69 xildhibaan, waxa ugu muhiimsan oo Koofur Galbeed aan rabno waxa ay tahay midnimo inaad muujisaan, 77 xildhibaan maanta state heysto ma leh, labo state la isku daray baa 77 xildhibaan leh, waxaan rabnaa awoodda iyo tirada intaas la eg in Koofur Galbeed, oo aan la idiin kala qeybin, waxaan Soomaalinnimo aheyn aadan ka shaqeyn, Koofur Galbeedna aad u shaqeysaan”. Madaxweynaha waxaa uu iska indhotiray aragti dad badan ay qabaan oo ah inuu geedfadhigii Koonfur galbeed uu ka reebay loolanka isaga oo ka leh sano shakhsi ah.

 Ma jirin 77-ka xildhibaan oo labada gole ee Koonfur galbeed ka yimid, hal kursi oo tartan ka dhacay, iyaga oo xulasho iyo rabitaankiisa ku yimid, taasi oo ka hor imaaneysa faankiisa.

Dhinacakale Mafiyada uu ugaamiyo qaswade  Farmaajo eek u yaacsan baraha bulshada ayaa weerar culus ku billaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, sababtoo ah cabsida uu Farmaajo ka qabo suurtagalnimada in Siciid Deni uu kaga guuleysto doorashada.

Kooxda Farmaajo ayaa si gaar ah Baraha Bulshada u bartilmaansaday Siciid Deni, iyagoo soo dhigay boqollaal farriimo, sawiro fool xun iyo qoraallo aflagaado ah, kuwaas oo muujinayay khatarta uu Deni ku hayo Farmaajo.

Weerarka lagu qaaday Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo lagu weeraray baraha bulshada ayaa salka ku haya in Musharax Siciid Deni uu ku dhawaaqay in hadafkiisa koowaad uu yahay sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa Farmaajo.

 


Post a Comment

0 Comments