Mareykanka ayaa kusoo rogay cunaqabateyn cusub taasoo jawaab u ah dib u dhigista doorashada

 

Tallaabo cusub oo Maraykanku ka qaaday Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay korortay tirada dadka Soomaalida ah ee lagu soo rogayo xayiraadda dal ku galka, kaddib markii ay dowladda ku guuldareysatay inay ku soo gabagabeyso waqtigii loo qabtay (15-kii March) ee ahaa inay soo dhameystirto howlaha doorashada baarlamaanka.

“Waxaan tallaabadan u qaadayaa si waafaqsan siyaasadda lagu dhawaaqay 8-dii Febraayo, sida ku cad qodobka 212 (a) (3) (c) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadda, si aan u xaddido bixinta fiisaha kuwa la rumeysan yahay inay mas'uul ka yihiin. ama ay qayb ka noqdaan wax u dhimista hannaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”

Beesha Caalamka iyo Dowladda Mareykanka ayaa cadeynaya inay diideen isku dayga Farmaajo iyo taageerayaashiisa (Xasan kheyre, Mahdi Guuleed iyo Fahad Yaasiin) ee ahaa inaan lagu dhameyn doorashada deegaanada lagu muransan yahay

Cunaqabataynta Maraykanku waxa ay ku wajahan tahay shakhsiyaadka xaqa u leh, sababtoo ah doorkooda ku aaddan musuq-maasuqa doorashada iyo faragelinta qaawan ee ay ku hayaan hannaanka doorashada, taas oo keentay in ay ku guul-darraystaan ​​in ay ku dhammeeyaan waqtigii loogu talo-galay.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa ku shubtay doorashada dowlad goboleedyada, gaar ahaan doorashada Galmudug iyo Koonfur Galbeed

Sidoo kale Mahdi Guuleed ayaa door muhiim ah ka qaatay musuq maasuqa doorashada gobolada Waqooyi.

Waxaa hubaal ah in cunaqabateynta Mareykanka ay sii adkeyn doonto haddii doorashada dib loo dhigo.

Post a Comment

0 Comments