mucaaradka oo ku hanjabay inay qaadaceen hanaanka doorashada

 

kooxda farmaajo oo ay ka goantahy in ay musuqmaasuqeeyaan doorashad madxatino


Mucaaradka Soomaaliya ayaa ku baaqaya in la qaadaco doorashada ku celiska ah. Maadama uu Farmaajo xisbigiisa ka go’an yahay in uu kursiga ku sii fadhiyo 

wax kasta oo beesha caalamka ka yimaada, sidaas darteed shirka Baydhabo ee uu Farmaajo damacsan yahay in uu ku dhiso, oo la doonayo in beelahaas lagu soo afjaro isbahaysi cusub ma ahan wax kale oo aan ahayn in la xaqiijiyo in uu sii jiri doono.

Farmaajo iyo Kooxdiisa ayaa damacsan inay carqaladayso doorashada shirgudoonka labada aqal baarlamaan ee Somalia ilaa iyo inta uu u hirgalayo qorshahooda ku aadan in guddoomiyaha golaha wakiilada loo doorto xildhibaan ka mid ah taageerayaashooda isla markaana Maxamed Cabdillaahi Farmaajo dib loogu doorto mansabka madaxweynaha Somalia.

Baaqa Mucaaradka ayaa imaanaayo kadib Kooxda Farmaajo oo leh xulafo awood badan sida Fahad Yaasiin, Laftaqarin, Qarqur iyo Xasan Khayr ayaa damacsan inay gacanta ku dhigaan doorashada ku dhamaanaysa, waxaana xisbiga Farmaajo ka go’an inuu xukunka sii hayo wax kasta oo ay ku kacdo.

Xisbiga Farmaajo waxaa ka go’an in uu xukunka sii hayo, qiimo kasta oo ay ka hesho IC.

Shirka Baydhabo ee uu damacsan yahay in lagu dhiso ayaa ah mid lagu soo afjarayo isbaheysi cusub oo u dhaxeeya beelaha si uu u sii noolaado, iyadoo ay jiraan baaqyo mucaarad ah oo ku aadan in la qaadaco doorashada dadban.


Post a Comment

0 Comments