Shariif Xassan oosheegey cida diiday safarkii uu maanta ku tegi lahaa Baydhabo

 

doorasho kushubasho oo wali ka socoto koonfur galbeed


Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo saaka loo diiday inuu tago magaalada Baydhabo, dibna ugu soo laabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa faah faahin ka bixiyay xiisadaasi..

Shariif Xasan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in tallaabada maanta aysan ahayn mid la filanayay, isla markaana diyaaradii loo kireeyay laga hor istaagay inay u duusho magaalada Baydhabo..

Shariif Xasan ayaa yiri: “Diyaarad aan ku aado Baydhabo shalay ayay ahayd mid qorsheysan, balse waxaa la ii sheegay in aysan jirin wax diyaarad ah oo baxay, maanta markii aan isku dayay in aan Baydhabo u dhoofo wuu iga diiday."

Shariif Xasan, Sheekh Aadan, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Bidix) inuu amray in la hakiyo duulimaadkiisa, isla markaana uu diiday in beeshiisa kursi ay ku yeelato. Hop261wuxuuna ka codsaday inuu joojiyo dhaqankooda .

Shariif Xasan ayaa yiri “Waxaan rabay in aan Baydhabo aado, sababtoo ah qoyskayga ayaa kursigii u diiwaan gashanaa waa 261, qabiilka aan ka dhashayna waxa ay iigu yeereen in aan Baydhabo aadoWaxaan rabay inaan imaado lamana ogolayn inaan tago"

Waxayna maamulka garoonka diyaaradaha horay uga hor istaageen bishii hore guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha shacabka Cabdul Wali Ibraahim Modi inuu u safro magaalada Baraawe si uu ugu tartamo kursigiisa baarlamaanka..

Waxaa xusid mudan in eedeymaha baahsan ee musuq-maasuqa ah uu mugdi geliyey hanaanka ay u socoto doorashooyinka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka socda dalka.

Waxaa muuqata in laFaatagriin uu isku dayayo in uu doorashada ku dhameeyo waqtigii loogu talagalay, iyadoo ay jirto wax isdaba marin uu ku kacayo, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay ka biyo diideen doorashadan been abuurka ah, isla markaana aysan aqoonsaneyn..

Post a Comment

0 Comments