Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan macaluul ka dib abaartii ugu darneyd ee soo marta muddo tobanaan sano ah, waxaana dalka uu qarka u saaran yahay in uu burburo, maadaama lagu guul dareystay in doorashada la dhameeyo.

 

farmaajo dalki sagxad ayuu geeyey



Soomaaliya waxa ay qarka u saaran tahay in ay burburto sababtoo ah deeq bixiyayaasha caalamka ayaa joojiya taageeradii ay siin jireen siyaasada Farmaajo.

Iyadoo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ay ku hanjabtay inay ka laaban doonto go’aanka deymaha looga cafinayo Soomaaliya, maadaama lagu guul darreystay dhameystirka doorashada..

Horaantii, Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ugu baaqday Soomaaliya inay ilaaliso jadwalka doorashada, iyadoo la xusuusto in kaalmada maaliyadeed ay si toos ah u dhacayso toddobaadyo gudahood..
Soomaaliya ayaa 25-kii bishan ku dhawaaqday in dib loo dhigay illaa 15-ka bishan March oo ku beegan xilliga la soo gaba-gabeynayo doorashada Golaha Shacabka, taasoo ka dhigan dib u dhac cusub oo ku yimid hannaankan doorashada oo dhowr jeer oo hore dib loo dhigay..
Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo gebagebeyn doona qiimeynta uu ku sameynayo barnaamijyadiisa Soomaaliya bartamaha bisha May, waxaana qeybo badan oo ka mid ah ay yihiin dib u habeyn mustaqbalka ah oo ay tahay in ay ansixiso dowladda cusub..
Warbixinteeda ka dib dhammaadka wejiga koowaad ee qiimeynteeda barnaamijyada gargaarka, Mu'asasada ayaa ka digtay in "hubaal la'aanta siyaasadeed iyo dib u dhacyada doorashada ay horseedi karaan inuu si toos ah u dhaco barnaamijka ay taageerto IMF, taas oo khatar gelin doonta bixinta deeqaha taageerada miisaaniyada iyo waxay carqaladeysaa jadwalka wadarta cafinta deynta“.

Isagoo xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay dhaqaale badan oo lagula dagaalamo abaaraha ugu daran ee dalka ka jira, iyadoo Qarammada Midoobay ay xaqiijisay inaysan Soomaaliya ku taageeri doonin qoraalkan..

Nasiib darro, muddo kororsi aan dastuuri ahayn oo Farmaajo sameeyay ayaa keentay in Soomaaliya ay ansixin weydo Miisaaniyadda sanadkan, maadaama aan weli la dooran Golaha Shacabka..

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadaal ugu jira sidii uu dhaqaale ugu bixin lahaa wadahadalada uu la yeelanayo hay’adaha kala duwan ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Kadib markii Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulan ay yeesheen waxay ku ansixiyeen Miisaaniyadda KMG ah oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyada, taasi oo u gudbiyay Wasiirka wasaaradaas, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey Miisaaniyad KMG ah oo dhan $206,474,223, taasi oo loo qoondeeyey howl fulinta dowladda ee bilaha April ilaa June ee sanadkan.

Ugu dambeyn, Ansixinta Xukuumadda Roobleey si KMG ah loogu sameeyo muddo 3 bilood ah ayaa ah mid uu ku doonayo in dalka looga saaro dhibaatada uu Farmaajo ku keenay Siyaasadiisa kali-taliska ah..

Post a Comment

0 Comments