Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud
ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan
xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Wasiir hore Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay Soomaaliya in ay u
baahan tahay inay qaado waddo cusub oo ka duwan midda maanta lagu maamulo.
Wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay dowlad ka shaqeysa dib udhiska dalka iyo
dimoqraadiyadda.
Maxamed Cabdirisaaq waxa uu sheegay madaxda haatan haysa talada dalka in ay ku
socdaan waddo qar iska xoornimo ah ayna kusii fogaanayaan sharci darro iyo
falal dastuurka ka baxsan.
“Maanta way adag tahay in la helo hoggaamiye ka madax bannaan damaca u
adeegsiga dowladnimada in ay ku noqdaan maalqabeenno, iyagoo iska horkeenaya
dadka Soomaaliyeed. Waa inaan sidaan iska beddelnaa haddii aan rabno in
Soomaaliya horey u socoto,” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda.
Waa markii labaad oo Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud uu iskusoo sharraxo xilka
madaxweynaha muddo shan sano gudaheed ah.
Sannadkii 2017, siddeedii February, wuxuu kamid ahaa 24 musharrax oo ka qeyb
galay doorashada madaxweynaha Soomaaliya, doorashadaas oo madaxweyne
Farmaajo uu kusoo baxay.
Sidhoo kale Prof.Ibbi ayaa sheegay in 34-milyan oo doollarka Mareykanka ah
ay ku bixisay doorashada xubnaha baarlamaanka si ay xildhibaannada ugu
codeeyaan Farmaajo, wuxuuna tilmaamay in dhawaan la furi doono kiis lagu
baarayo lacagtaas.
0 Comments