Farmaajo oo bilaabey in uu adeegsado dhaqdhaqaaqa alshabaab si uu xukunka u fadhiyo

 

kulan qarsoodi ah oo dhax marey kulan jiis iyo sarkaal itoobiyaan ah

Madaxweynaha mudadiisu dhamaatay ee Somalia Maxamad Cabdillaahi Farmaajo ayaa waxa soo dhawaaday hirgalinta qorshehiisii baryahanba laga hadlayey ee uu doonayey inuu ku burburiyo doorashadi dalka ka dhacday isla markaana xukunka ku sii haysto.

Qorshahan oo u dhigma inqilaab ayaa waxa fulintiisa ka hadhay intay dalka soo gaadhayaan dhalinyaradi tababarka milatari ugu maqneyd Eriteriya ee Farmaajo wadankaas u diray sadex sanadood ka hor kuwaas oo dufcadda u horaysa oo ka kooban 1500 ay kusoo beegan yihiin Somalia bishan gudaheeda.

Ciidankan oo qabiil ahaan kasoo jeeda beesha Daarood ayaa waxa la soo marinaya dhulka Itoobiya waxaana laga soo galin doonaa deegaanka Doolo ee ku yaalla xadka u dhaxeeya Somalia iyo Itoobiya iyadoo sidii arintaasi loo fududayn lahaa ay maanta magaalada Doolo kaga wada hadleen sarkaal ka tirsan sirdoonka Itoobiya oo magaciisa la yiraahdo Gen.Tashuma Ayelo iyo Cabdilaahi Kulane  oo ka mid ah gacanyareyaasha Farmaajo u xilsaaray hirgalinta qorshahan colaadeed

 Soomaaliya oo ah kan dalka soo geliya argagaxisada oo xubnaha Al-Shabaab ku dhex faafiya askarteenna. Farmaajo ayaa runta sheegay, shacabka Soomaaliyeedna hadda waa ay garteen xaqiiqadiisa 

Farmaajo ayaa isku dayay in uu shaqada ka joojiyo Roobley sababo la xiriira musuq maasuq, taasoo uu Roobley ku tilmaamay isku day afgambi. Bishii Febraayo ee la soo dhaafay, Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo aan la magacaabin, kaddib markii lagu eedeeyay inay carqaladeynayaan doorashada.

Horraantii 2022, Midowga Afrika waxa ay beddeleen ku xigeenkiisii ​​ergeyga gaarka ah, Simon Mulongo, ka dib markii Muqdisho ay ku dhawaaqday "persona non grata" oo ay u qabatay 7 maalmood inuu dalka kaga baxo.

Farmaajo ayaa isku dayaya in uu adeegsado ciidamada qalabka sida si uu xukunka ugu qabsado hadaan laga hortagin waa lagu hoogi oo soomaaliya waxa ay dib ugu laaban 30 oo cusub dhamaan shacabka soomaaliyeed waa in ay wada garba istaagaan RW rooble sidhii farmaajo iyo kooxdiisa looga saari la haay dalka


Post a Comment

0 Comments