Guddiga Doorashooyinka FIET oo ku dhawaaqay liiska xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno laga reebay

 

Guddiga Doorashooyinka FIET oo fahad dariishada kasaarey


(FEC)  ayaa xaley si rasmi ah u shaaciyay liiska xildhibaanada Aqalka kow iyo tobnaad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Guddiga doorashada heer federaal ayaa ku dhawaaqay

Sidoo kale waxaa liiskaas ka maqnaa saddex xubnood oo laga soo doortay maamulka Koonfur Galbeed oo uu ku jiro kursigii uu ku fadhiyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari..

Afarta xubnood ee liiska laga saaray ayaa waxaa horay u hakiyay guddiga doorashada ee Hirschapple iyo Koonfur Galbeed balse guddiga doorashada ayaa ku gacan seyray go’aanka guddiga doorashada ee afarta kursi, taasoo keentay in la waayo liiska ugu dambeeya ee caawa la soo saaray..

Waxaana laga cabsi qabaa in arrintani ay keento qalalaase hor leh, isla markaana ay sii murjiso khilaafka madaxda sare ee dalka u dhaxeeya, taasoo keeni karta dib u dhac kale oo ku yimaada Guddoonka Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha..

In liiska baarlamaanka laga saaro Fahad Yaasiin

Guddiga doorashada heer federaal ayaa go’aamiyay in Fahad Yaasiin laga saaro liiska wakiilada ee ay ku dhawaaqeen.

Ogow kuraasta Koonfur Galbeed iyo Herchapel ee uu guddiga ka saaray waa kuraas ay ku jirto wax isdaba marin aan la aqbali karin..

Haddaba, waa in meesha laga saaro inta ka harsan kuraasta been abuurka ah ee Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa qaadi doona mas’uuliyadda weerar kasta oo soo kordha ama weerar kasta oo Al-Shabaab ay qaadaan maalmaha soo socda, iyadoo ay jiraan digniino ku saabsan afgambi milateri oo Farmaajo maleegayay, waxaana 12-ka April lagu dhawaaqi doonaa inuu xukunka ku kordhiyo hab aan dastuuri ahayn..

Iyadoo Farmaajo uu abaabulayo ciidamo isaga daacad u ah oo ujeedkiisu yahay inuu awood ku yeesho inqilaab ciidan oo buuxa maalmaha soo socda..

Sidoo kale, Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa qaadi doona weeraro hor leh oo ismiidaamin ah iyo qaraxyo ka dhan ah Siyaasiyiinta Soomaalida iyo kuwa Ajaanibta ah, si dalka looga saaro Safarada Shisheeyaha, loona joojiyo Doorashada..

Runtii qodobadaasi waxay ahaayeen kuwii ugu caansanaa ee uu Xildhibaan Mohad Salaad ka sheegay qorshaha Farmaajo ee afgambiga..






Post a Comment

0 Comments