Guddiga FEIT 'oo go'aamiyey' in lagu celiyo doorashada afar kursi oo la musuqmaasuqeeye

 

Guddiga doorashada oo go aansadey kucelin

 

Guddiga doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya (FEIT) ayaa sheegay inay go’aamiyeen in dib loogu laabto doorashada afar kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

Afarta kursi ayaa kala ah; HOP#086, HOP#103, HOP#154 iyo HOP#204. Kursiga HOP#086 ayaa ah kan uu kusoo baxay la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya iyo agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

“Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federal waxaa uu go’aamiyey in dib loogu noqdo doorashada dhammaan kuraastan, si loo saxo habraacii qaldamay,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray guddiga oo lagu daabacay bartooda Facebook.

“Iyadoo la tixraacayo habraacii doorashadii 2016kii ayuu guddigu dib ka soo sheegi doonaa qabashada doorashada kuraastan, goorta iyo goobta lagu qaban doono,” ayuu yiri guddiga.

Afartan kursi ayaa ahaa kuwa ay horey guddigi u xayireen, waxaana laga soo kala doortay HirShabelle oo ah HOP#086 iyo HOP#103, HOP#154 iyo HOP#204 oo ah Koonfur Galbeed.

Maamullada HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed weli kama aysan jawaabin go’aanka guddiga, hase yeeshee waxay horey u qaadaceen go’aankii lagu xayiray kuraastan.

Doorashada Kuraasta uu guddiga amrey ku celintooda oo uu ka mid yahay Kursiga 86-aad ee uu ku guuleystay Fahad Yaasiin ayaan buuxin shuruudihii iyo shuruudihii lagu heshiiyey doorashada, sidaas darteed guddiga ayaa go’aansaday in dib loo doorto si loo saxo waana mid sax ah

ku celinta ku raastaan waa mid sax ah waayo waa kuraas lagu soo doortey musuqmaasuq guddiga doorashada iyo RW rooble waa in ay ka sifeeyaan baarlamaanka kooxda qaswade farmaajo iyo hogaamiyaha alshabaab ee fahad yaasiin

 

Post a Comment

0 Comments