Gudiga FEIT ee doorashada oo ku guuleesey bixinta shahaadada xildhibaanimo

 

FEIT oo bilaabdey bixinta shahaadooyinka

Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya ee dooran ayaa qaarkood maanta la siiyey shahaadada rasmiga ah iyadoo qaarkoodna ay qaateen ID card ama aqoonsiga xildhibaanimada.

Inkabadan 50 Xildhibaan ayaa maanta qaatay Shahaadada xildhibaanimada cadeneysa iyadoo aysan xaadirin xubnaha laga soo doortay Koonfur galbeed Soomaaliya oo diiday inay shahaadada doontaan.

Warar ayaa sheegaya in Madaxweyne Lafta gareen uu amray in xildhibaanada deegaankiisa laga soo doortay inaysan tegin oo guddiga FEIT ka doonan shahaadadaasi.

Balse Hirshabelle,Galmudug,Gobollada Wuqooyi iyo Banaadiriga ayaa la sheegay in ay qaateen shahaadada xildhibaanimada.

Cabirka cunaqabateynta caalamiga ah iyo Mareykanka ayaa ah mid aad u ballaaran, haddii ay dhacdo in doorashada la soo afjari waayo, taasoo saameyn ku yeelan doonta dadka Soomaaliyeed oo ay abaarta ugu daran ka jirto iyo dhaqaale xumo xooggan oo dowladeed.

Sidhookale Joojinta Kursiga Fahad Yaasiin ayaan ahayn mid cusub waayo hurey ayaa loo xayire kursigaas inta ay doorashado socotey se go aanka Guddiga doorashadu wuxuu caddeeyeen mowqifkooda sharci ah ay ku taagan yihiin gudiga

Waxaan uga mahadcelineynaa dadaalka guddiga sare ee shahaado bixinta xildhibaanada laga soo doortay dowlad goboleedyada Soomaaliya, taasoo cadeyneysa mawqifka qaldan ee laftagreen iyo cali Godlaawe ee ku aadan dhaqangelinta heshiiskii doorashada.

 



Post a Comment

0 Comments