Laftagareen oo kahor sheegay Xildhibaanada DFS ee laga soo doorto Koonfur Galbeed in ay isbaaro u taalijirtey

 

Lafta gareen iyo RW. Rooble Maxaa kala qabsaday

Baydhabo  Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen oo khudbad u jeediyey Xildhibaanada DFS ee laga soo doorto Koonfur Galbeed ayaa si adag u dhaliilay Raysal wasaare Rooble oo ku dhegay Xildhibaano laga soo doortay KG.

“Rooble is baaro ayuu noo dhigey, wuxuu rabaa mid gurigiisa ka shaqaynaya in aan xildhibaan ka dhigno isaga oo Boosaaso, Gaalkacayo iyo Dhuusamarreen looga soo diiddey,

“Anigoo 20 Sano jir ah ayaa diiday in nala gumeysto hada oo 50 jir ahay oo 2022 la maraayo ma aqbalaayo in isbaaro naloo dhigto”. Ayuu yidhi Lafta gareen.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay arimo kala duwan oo Xasaasi ah, isagoo sheegay inaysan marnaba Aqbali doonin dulmi iyo in si gaar ah loo beegsado Koonfur Galbeed.

Laftagareen oo ku soo baxay doorasho dhiig badan ku daatay 2018 Farmaajo oo gacan ka helaya ayaa soo nooleynaya colaad beeleed, waxa uu isku dayaa in uu xasuusiyo qabiilka Raxanweyn oo uu u mideeyo RW Rooble oo Habargidir ah oo horay ula dagaalamay shacabka Koonfur Galbeed.

Xasuuqii Baydhabo December 14, 2018. Shacabka KGs malmoh waa la handadi karaa oo leyn karaa lknse lama sii haysan doono Laftagareen

Dadka isku soo baxay oo meesha lagu xasuuqey ayaa watay boorar ay ku qornaayeen ereyo loogu duceenayey dadkii Baydhabo lagu dilay, sidoo kalana waxay ku baaqayeen in lasoo daayo Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

iidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaan ah ayaa 13 December sanadkii 2018 waxay Magaalada Baydhabo ku laayeen dad farabadan oo banaanbax dhigayey kuwaas oo kasoo horjeeday xariga Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa musharixiintii ugu cadcadaa doorashadii ka dhacday Magaalada Baydhabo oo ay afduubatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

wuxuu Fahad qiilka ugu raadinaayo xildhinadda u cadadiinaayo waa yan danbi lagu qabsan uu aamiinsanyahay Fahad in u samatabixin karo.

Waa inaanan iloobin 11kii Agoosto, Xisbiga Amniga & Cadaalada ee SW wuxuu warqad u qoray beesha caalamka isagoo ka dhiidhinaya xadgudubyada xuquuqul insaanka ee sii socda 4tii sano ee la soo dhaafay. 26 qof oo rayid ah oo aan waxba galabsan ayaa la dilay, 33 kalena waa la dhaawacay, in ka badan 680 kalena waa la xidhay, ka dib markii ay ka soo horjeesteen dhismihii Laftagareen.

Raga nolosha ka dhacay ee siyaasad ku wareeray walaalyaal kheyr idinkama sugeynee fadlan halyeeyda yar iyo tariikhda qurxoon eey qowmiyadaan leedahay meel ha oga dhicina .

 

Post a Comment

0 Comments