RW rooble oo Danjirahii Midowga Africa Shaqadii ka Eryay iyo Farmaajo oo Ka Horyimid

 

qaswade farmaajo oo ka caroodey buriska saaxiibkii

 

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqadii Safiirnimo ee Soomaaliya uu ku joogay ka eryay danjirahii midowga Africa Fransisco Madeira, waxaana lagu amray inuu dalka isaga baxo muddo 48 saacadood ah.

Kadib qoraalka Rooble waxaa warqad ay kasoo baxday Villa Soomaaliya iyadoo Farmaajo uu ka horyimid tallaabada uu qaaday ra’iisulwasaaraha dalka oo mas’uul ka ah amniga dalka iyo doorashooyinka, waxaana qoraalka Villada lagu sheegay in uusan jirin cadaymo muujinayo eedaymaha loo haysto Fransisco.

Nicholas Haysom waxaa dalka uu Farmaajo uga ceyriyay inuu ka hadlay dadkii lagu laayay Baydhabo dabayaaqadii 2018 markii madaxweyne laga dhigaayay Laftgareen, kaliya waxa uu yiri dad shacab ah ayaa lagu dilay waxayna ahayd sax oo 15 ruux oo rayid ah iyo xildhibaan maamulka ka tirsanaa ayaa lagu dilay.

Sidee uga hadli karaa arrimo Soomaali dhexdeeda ah ayaa loo eryay ku darsoo dhibtaadii ka dhacday Baydhab Soomaali kaliya ma geysanee ciidamo Itoobiyaan ah ayaa ku lug lahaa, waxaa naloo sheegay inuu qabkii soo laabtay oo Ajnabi la eryay!

Maanta safiir u gefay reera Soomaaliyeed iyo madax qaran oo isugu jira kuwa heer Federaal iyo heer dowlad goboleed marka la eryay lagu difaaco anigoo ii ahaa Campaigner doorasho, waxay soo xirtay iridkii lagu faani jiray ee ahaa qabkii iyo madax bannanadii dalka ayaan soo celinay, kolleey Madeira waa tagayaa oo lama celin karo waase lagu karaama seegay.

waxa uu ku kacay Waa gef in dublamaasigu ku xad-gudbo madax-banaanida dalka uu ka hawl-galo Wuxuu kaloo ku xad-gudbay xeerarkii Midowga Afrika iyo somaliya waxaa ka dalbaneeynaa dawlada rooble in ay madera maxkamad lakeen

Waa gef in dublamaasigu ku xad-gudbo madax-banaanida dalka uu ka hawl-galo Wuxuu kaloo ku xad-gudbay xeerarkii Midowga Afrika Laaluush iyo musuq-maasuq ayaa keenay in la ceyriyo, Rooblena waa inuu amraa in sharciga la horkeeno



Post a Comment

0 Comments