Wasiirka Amniga Soomaaliya C/llaahi Maxamed Nuur oo joojiyay Dal ku galka Madiera ee somaliya

 

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo qaatey Go’aan geesinimo ah


Wasaaradda Amniga ayaa fartay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya inay kala laabato warqada dal ku joogga Wakiilkii Midowga Afrika Francisco Madiera, sidoo kle aan la siin karin warqada dalku galka.

Sidoo kale waxaa Agaasimaha Hey’adda Socdaalka la faray inuu ku wargeliyo in dhammaan cida ay quseyso in Madiera aan dalka la keeni karin, maadaama uu yahay qof aan dalka laga rabin.

Waxaa kaloo si kumeel gaar ah loo xiray dhammaan howlaha Terminalka MOVCOM illaa amar dambe.

Go’aankii Wasiirka Amniga Soomaaliya uu ku diiday in Madaxweynaha Midowga Afrika Matera uu soo galo Soomaaliya maadaama uu faragelin sharci darro ah ku hayo doorashada Soomaaliya oo uu ku taageeray Farmaajo oo aan rabin in ay dalka ka dhacdo doorashbo xalaal ah

Waxaan taageersanahay go'aanka Wasiirka ee looga hortagayo gelitaanka "Madeira" sababtoo ah waxaa lagu qabtay falal uu lamaleegaaye farmaajo oo lagu rabo in lagu dumiyo qaran nimada dalka taasine maahin mid aan aqbalikarno hadaan nahay shacabka soo maaliyeed

Go’aanka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa imaanaya saacado kadib markii Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Musa Faki Mahamat uu soo saaray qoraal uu ku cambaareynayo go’aankii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu dalka uga ceyriyay Wakiilkii Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano. Madeira

 

 

Post a Comment

0 Comments