Barcelona oo isha ku hayso saxiixa weeraryahankeedii hore ee Luis Suarez

 

Barcelona oo damacsan soo cishiga Suarez

Warar cusub ayaa sheegaya in Barcelona ay isha ku hayso saxeexa weeraryahankeedii hore ee Luis Suarez oo ay doonayaan inay dib ula soo wareegaan iyaga oo qorshaha labaad ka dhigtay haddii ay waayaan bartilmaameedkooda koowaad ee Robert Lewandowski.

Barcelona ayaa u sheegtay Suarez inay la saxeexan doonto haddii ay weydo Lewandowski oo uu marka hore iyaga war ka sugo ilaa bisha August sida uu sheegayo saxafi Alfredo Martinez.

Dhinaca kale warbaahinta kasoo baxda magaalada Barcelona ee Sport ayaa lagu sheegay in Suarez uusan haatan wax xiiso ah u qabin inuu ku laabto Camp Nou oo qaab aan fiicnayn looga caydhiyay laba sano kahor.

Suarez oo hadda 35 sano jir ah ayaa da’ ahaan weynaaday balse wali ah mid aan la celin karin marka uu goolka horjoogo isaga oo xilli ciyaareedkii hore 13 gool kusoo dhaliyay 45 kulan oo badi uu bedel ugu soo galay Atletico Madrid.

Suarez ayaa 194 gool usoo dhaliyay Barcelona mudada uu joogay isaga oo metelay wax ka yar 300 oo kulan taas oo ka dhigaysa mid kamida dhaliyayaasha ugu wanaagsan taariikhda kooxdaas.

Luisito ayaa haatan lala xidhiidhinayaa kooxo laga tilmaami karo Aston Villa, kooxaha horyaalka Turkey-ga iyo kuwo kamida kuwa qaarada South America.

 

Post a Comment

0 Comments