Ergeyga gaarka ah ee
Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha,
Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa maanta ka qeybgalay
kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen Golaha Dhaqaalaha Qaranka.
Shirka oo shaley furmay ayaa maanta waxaa diiradda lagu saaray saameynta
isbeddelka cimilada, badqabka cuntada (food security) iyo xal u helidda
dhibatooyinka soo noqnoqda ee abaaraha iyo fatahaadaha.
Ergeyga oo shir guddoominayay mawduuca Isbeddelka cimilada iyo dhisidda dad
u adkeysan kara ayaa hadaljeedintiisii furitaanka si kooban uga warramay
socdaalladiisii uu degmooynka abaaruhu saameeyeen ku tegay, Baaxadda abaaraha
iyo sida dhanka kele aysan dadku war badan ugu heynin.
Ergeyga oo ayaan darro ku tilmaamay in doorasho kasta ka dib la qabto shir
abaaro taagan loogu gurmanayo ayaa sababaha ugu waaweyn soo noqnoqoshada
abaaraha ku sheegay isbeddelka cimilada, nabadgelyo darrada iyo xaalufinta
dhirta isaga oo islamarkaas tilmaamay in baahi weyn loo qabo helidda xal waara.
U dhaqaaqa helidda xal waara ayaa waxaa cusleynaya sida uu sheegay ergeygu
arrimaha kale ee kula loollamaya ajendaha siyaasadda sida nabadgelyada,
qabyotirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta, isaga oo taas ka duulayana waxa uu
sheegay in uu kula talin doono madaxda dalku in ay arrinkaan ku daraan
barnaamishada hortebinta leh isaga oo ku rejo weynyahay in xafiiskiisu soo
bandhigi doono talooyinkii ku saabsanaa.
Intaas kadib ayuu makarafoonka kusoo dhaweeyay martisharafka barnaamijka ku
casuunnaa oo xog ballaaran kasoo bandhigay mowduuca sida in isbeddelka cimiladu
keenayo roob yari, koroka heer kulka iyo sidoo kale sare u kaca heerka badda
kuwaas oo saameyn weyn ku yeelansa dad, duunyo iyo deegaanba. Dhanka kale waxa
ay martisharafku soo bandhigeen in adduunku u diyaargaroobay dhaqaalo ku
bixinta ka hor tagga wax ka qabashada dhibaatooyinka la xiriira isbeddelka
cimilada ha yeeshee mashruucyadiisu leeyihiin habraacyo shuruudo adag iyo
baraacyo dhaadheer.
Fursad dadweynaha la siiyay oo ay faallo iyo weydiimo kusoo bandhigeen
kadib ayaa ey martisharafka iyo Ergeygu soo xireen kulanka iyaga oo carrabka ku
adkeeyay mudnaanta dhisidda hayado-dowladeed karti leh oo ka miro dhalin kara
howshaas baahida weyn loo qabo.
0 Comments