qaswade Farmaajo ayaa ku hawlan in uu caqabado hordhigo Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud iyo dawladiisa tan iyo markii looga guuleystay doorashada, waxaana uu
aaminsan yahay inuu mar kale kusoo laaban karo talada dalka
Kooxda laga itaal roonaaday ee FarmajoFahad Yaasiin iyo Xasan Cali Khayre waxay la tacaalayaan iyagoo kaashanaayo
dhaq-dhaqaaqa argagaxisada ah ee Al-Shabaab iyo kooxaha maafiyada ah si ay
dembiyo abaabulan uga geystaan ​​Soomaaliya si ay u qalqal geliyaan amniga iyo
xasilloonida uu hoggaamiyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. Xasan Sheekh
Maxamuud.
Sidhookale Cayayaanka elegtarooniga ah ayaa buuq iyo sawaxan ka dhaliyay
baraha bulshada, sababtuna waa jabkii Farmaajo, taageerayaasha madaxweynihii
hore ee Maxamed Cabdullaahi farmaajo oo
loo yaqaan CBB ayaa bilaabay weeraro a abaabulan oo ka dhan ah dawlada cusub
iyo madaxweeneheeda
Ololahan ay bilaabeen taageerayaasha kooxda qaswade Farmaajo, ayaa ah
wejiga dhabta ah ee kooxda Farmaajo oo qoraalkooda ku beegsanaayo dawlada cusub
iyo madaxdeeda oo ay aflagaado la dabo joogaan hadiyo jeer ayaa caddeenaayo in
aanay lahayn dareen wadaninimo, iyagoo doonaya inay Soomaaliya u horseedaan
masiibo markii uu Farmaajo tago.
Hadalka Farmaajo ee ku saabsan magacaabista Ra’iisul Wasaaraha iyo codsigii
uu Baarlamaanka ka hor jeediyay ee ahaa in kalsoonida la siiyo ayaa muujineysa
in Farmaajo uu ka go’ay waaqica dhabta ah, isla markaana uu weli aaminsan yahay
inuu weli talada hayo
Kaligii taliye farmaajo waxuu dilay General galaal iyo injineer yaresow iyo
boqolaal wax tar u lahaa umada waxaa kale uu kadanbeyay qaraxii zoobe oo
somaali ay ku dhamaatay markuu dilay ayuu dhiig been ah waan u shubay ayuu yiri
sidaa darteed museebo qaran waa in si weyn loola dagaalamo
0 Comments