Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa bogaadisay guusha ay dawlada cusub ka gaartay cafiska deymaha

 

farmaajo

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay xirmo cusub oo Soomaaliya looga cafinayo deymaha lagu leeyahay

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa bogaadisay guulihii ay Soomaaliya ka gaartay deyn cafinta, iyadoo sheegtay inay dadaal badan ku bixisay dowladda cusub sidii ay u gaari lahayd arrimahaasi, wuxuuna ku booriyay hay’adaha maaliyadda ee dalka inay noqdaan kuwo hufan oo wax-qabad leh.

Soomaaliya waxa ay u weyn lahayd deyn cafinta IMF, sababtoo ah Farmaajo iyo dowladdiisa oo dayacday ka jawaabista warqadaha Sanduuqa. Halka xukuumadda HSM ay ku guulaysatay in ay soo afjarto caqabadi u dhexeey sey somaliya iyo IMF muddo ka yar bil gudaheed markii ay xukunka la wareegtay.

Iyadoo dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ay muddo bil gudaheed ah ku guuleysatay inay soo afjarto xiisadda u dhexeeysey somaliya iyo IMF, kadib markii ay xilka la wareegtay, ayaa waxaa soo baxday in Farmaajo uu sabab u ahaa dhibaatooyinka dhaqaale ee Soomaaliya.

Musuq maasuqa iyo lunsiga hantida qaranka intii uu talada dalka hayay Farmaajo ayaa ka mid ahaa sababaha keenay dhibaatada ka jirta Soomaaliya, kadib markii dowladda ay awoodi weyday inay la dagaalanto saboolnimada iyo abaaruhu ay saameeyeen,dadka taasi oo keentay in qasnadii dowladda ay faaruq noqoto.

Qaswade farmaajo iyo kooxdiisa ayaaa hore u qaateen lacagtii ku jirtay qasnada dowlada waxayna hada ku qarinayaan guriga farmajo oo uu degan yahay waxayna rabaan in ay guri ku dhistaan ama ay bankiga ay ku shubtaan iyadoo laga dhigaayo in shacabka soo aruuriyeen ayna ugu tala galeen in guri loogu dhiso farmajo taasoo shacabka ogaadeen waa in hay'addaha ku shaqada leh ay horkeenan kooxdaan maafiyada ah cadaalada shacabka somaliyeed waa in ay ka digtoonaadaan been abuurka ay faafinayaan

 

Post a Comment

0 Comments