Mane ayaa u duulay Morocco si uu uga qayb galo Abaalmarinta CAF

 

Abaalmarinta CAF


Weeraryahanka heerka caalami ee dalka Senegal Sadio Mane ayaa ka tagay xerada kooxdiisa cusub ee Bayern Munich ee dalka Mareykanka, isagoo ku sii jeeda dalka Morocco oo uu safar dhib badan ku jiro, si uu uga qeyb galo bandhig faneedka xiriirka kubadda cagta Afrika (C) ee ka dhacaya Rabat.

Mane ayaa markii labaad ku dhawaaday inuu ku guulaysto abaal marinta xidiga sanadka ee qaarada Afrika, intii ay socotay xaflada uu soo agaasimay Rabat fiidnimadii Khamiista, ka dib markii uu xulka Senegal ku hogaamiyay hanashada koobka qaramada Afrika markii ugu horaysay bishii February ee ina dhaaftay.

Ciyaaryahanka reer Masar ee Mohamed Salah, xiddiga Liverpool iyo saaxiibkii hore ee Mane, iyo sidoo kale goolhayaha reer Senegal ee Edward Mendy, ciyaaryahanka Chelsea, ayaa ku tartamaya abaalmarinta.

Mane ayaa ku guuleystay abaal-marintii ugu dambeysay ee laacibka sanadka ee Afrika 2019-ka.

“Dabcan Sadio waxa uu u qalmaa abaal marinta laacibka sanadka ee Afrika markii labaad” ayuu yiri madaxa Bayern Oliver Kahn.

Waxa uu intaa ku daray, “Waxa uu ahaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka muddo dhowr sano ah, waxa uu safiir weyn u yahay dalkiisa iyo Isboortiga, ma ahan oo kaliya heerka uu joogo, dhammaan haddaan nahay Bayern Munich waxaan taageernaa Sadio abaalmarinta”.

Mane waxa uu ku safray 25,000 kilomitir siddeed maalmood gudahood, isagoo ka soo safray Munich kuna sii jeeday Washington Isniintii la soo dhaafay, ka dibna u sii jeeday Rabat ka dibna ku laabtay Mareykanka, halkaas oo Bayern ay kula kulantay Manchester City, oo ah horyaalka England, Axadda, ka hor inta uusan ku laaban Munich Maalinta xigta.

 

Post a Comment

0 Comments