Fayras cusub oo ka dillaacay Shiinaha.

Dunida ayaa hadda kasoo kabanaysa saamaynta Fayraska Corona

Seynisyahannada caafimaadka ee Shiinaha ayaa u kuur galaya fayras cusub oo kasoo gudbay xayawaanka kaasoo ka dillaacay dhinaca bari ee dalkaas,Tobannaan qof ayuu ku dhacay fayraskan, ilaa hadda.

Fayraskan oo lagu magacaabo "The novel Langya henipavirus (LayV)" ayaa laga helay 35 qof oo bukaan ah oo ku sugan gobollada Shandong iyo Henan, Inta badan dadka ayaa lagu arkay calaamado ay ka mid yihiin qandho, daal xad-dhaaf ah iyo qufac.

Waxaa la aaminsan yahay in bukaannadu ay fayraska ka qaadeen xayawaanno, Hase yeeshee ilaa hadda wax caddayn ah looma hayo in fayraska LayV ay bani'aadanka isu sii gudbin karaan.

Cilmi-baareyaasha ayaa ogaaday in fayraskan uu u xayawaanka afka qalaad lagu dhaho "shrews" oo u eg mid ay Soomaalidu u taqaan "walo-sandheer".

Xogta ku saabsan hlista fayraskan cusub ayaa lagu sheegay warqad ay si wadajir ah u qoreen seynisyahanno kasoo kala jeeda Shiinaha, Singapore iyo Australia, waxaana bishan lagu daabacay Majalladda "New England Journal of Medicine".

Mid ka tirsan cilmi-baareyaasha, oo lagu magacaabo Wang Linfa, oo ka socda Dugsiga Caafimaadka Duke-NUS ee Singapore, ayaa wargayska dowladda Shiinaha ee Global Times u sheegay in kiisaska LayV ee ilaa hadda la helay aysan ku jirin dhimasho ama xanuun halis ah, sidaas darteedna "aan loo baahnayn in la argagaxo".

Hase ahaatee, Mr Wang waxa uu sheegay in weli loo baahan yahay in loo feejignaado fayrasyada jira ee aan la saadaalin karin natiijadooda marka ay bani'aadanka u gudbaan.

Saynis yahanadu waxay sheegeen in baaritaanno lagu sameeyay asalka fayraska LayV ay muujiyeen in 27% laga helay xayawaanka shrews-ka halka 5% laga helay eeyo. Sidoo kale waxaa 2% laga helay ariga.

Xarunta Xakamaynta Cudurada Taiwan ayaa maalintii Axadda sheegtay in ay "fiiro gaar ah u leedahay" arrimaha kasoo kordhaya fayraska LayV.

LayV waa nooc ka mid ah bahda fayraska ee la isku dhaho "henipavirus", oo ah nooca kasoo gudba xayawaannada ee u gudba bani'aadanka.

Fayrasyada noocan ah ayaa indhaha seynisyahannada soo jiitay tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu soo baxay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Xarunta Maraykanka ee Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ayaa sheegtay in saynisyahannadu ay qiyaaseen in afartiiba saddex ka mid ah cudurrada faafa ee cusub ay ka yimaadaan xayawaannada.

Qaramada Midoobay ayaa horay uga digtay in dunidu ay arki doonto cuduro badan oo noocan oo kale ah iyadoo sannadihii dambe la xoojiyay ka faa'iidaysiga ka faa'iidaysiga duurjoogta, dhanka kalena uu sii xumaanayo isbedelka cimilada, Cudurradan ka dhasha fayrasyadan qaarkood waxa ay sababi karaan dhimasho.

Post a Comment

0 Comments