Haweeney dumaashideed intay jarjartay kartoon ku qaadatay si ay deyn isaga bixiso!

Dhacdo layaab leh

Booliska magaalada Yaounde ee dalka Cameroon ayaa xabsiga dhigay haweeney lagu qabtay hoteel oo wadatay kartoon ay ku jiraan xubno jirka bani’aadanka, Haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Desire Beyanga ayaa lagu arkay hoteelka xilli ay jiidaysay kartoonka oo aad ugu cuslaa, oo ay ku soo ridday meyka qof lagu eedeeyay in ay dishay kaddibna jarjartay.

Ciidanka amniga hoteelka ayaa ka shakiyay Desire oo ay ka muuqatay in ay xaalad aan caadi ahayn ku jirto, durbadiina waxay fiiriyeen kartoonka oo ay ogaadeen inay xubno bani’aadan ku jiraan, Ka hor inta aan la ogaanin waxa ay waddo waxay ilaalada hoteelka u sheegtay in ay cunto ku jirto kartoonka culus.

Sida uu dilka u dhacay : Desire waxay hoteelka degtay iyadoo ay la socotay ninkeeda walaashiis, oo lagu magacaabi jiray Marie France Mbeya, oo ahayd 57 jir, Labada dumarka ah ayaa markii ay hoteelka booqanayeen waxa ay gacmaha ku wateen dhalooyin cabitaan ah, waxayna isla dageen hal qol.

Haweeneyda eedeysanaha ah ayaa markii ay ka warramaysay sida ay wax u dhaceen sheegtay in islamarkii ay qolka laga kireeyay galeenba ay dumaashideed ku weerartay dhaladii ay cabitaalka ku wadatay, sidaasna ay ku dishay, Markii ay dhimatay ayay meykeeda jarjartay, sida ay booliska u sheegtay.

Deyn lagu lahaa ayay u dishay dumaashideed, Waxay sheegtay in koox joogta magaalada uu ninkeeda kasoo jeedo oo ay dagganayd ay dhowr sano ka hor ka daynsatay lacag dhan afar milyan oo CFA franc (oo u dhiganta qiyaastii $6,092), Balse muddo afar sano ah waxay awood u heli waysay in ay deyntaas iska bixiso. Ninkeeda ayay sheegtay in uu u diray magaaladiisa, Yaounde, si ay iyada iyo carruurteedaba halkaas ugu noolaadaan.

Nin ay iska barteen Facebook, oo xiriir fiican ay la yeelatay, ayay uga sheekeysay culayska ka haysta deynta lagu leeyahay, sida ay ku sheegtay warbixinta ay booliska siisay, Ninkaas oo aan magaciisa la shaacin ayaa u ballan qaaday in uu siin doono lacag dhan 5 milyan oo CFA franc haddii ay u keento meyd bani’aadan.

Arrinraas darteed ayaa la sheegay in ay ku go’aansatay in ay disho ninkeeda walaashiis kaddibna meydkeeda oo jarjaran u geyso ninka lacagta u ballan qaaday, Shaqaalaha hoteelka ayaa sheegay in ay ka diidday inay ku caawiyaan qaadista kartoonka, taasoo keentay inay ka shakiyaan. Booliska ayaa haweeneydan kuso oogay dacwad, waxaana la filayaa inay maxkamadda hor geeyaan.

Post a Comment

0 Comments