Hoggaamiyihii hore ee Midowgii Soofiyeet Mikhail Gorbachev, oo sabab u ahaa inuu soo dhammaado dagaalkii qaboobaa ayaa geeriyooday isaga oo da’diisa ahayd 91 jir, Gorbachev oo talada Midowgii Soofiyeet la wareegay 1985-kii ayaa waddo cusub u furay xiriirka uu Midowgii Soofiyeti la lahaa caalamka intiisa kale isaga oo isbeddallo baddanna gudaha dalkaasi ka sameeyey.
Hase yeeshee wuxuu ka hortagi waayey burburka ku yimid Midowgii Soofiyeet ee horseedday inuu sameysmo Ruushka casriga ah ee maanta, Hoggaamiyeyaasha caalamka qaarkood ayaa si weyn u ammaanay hoggaamiyihii Midowga Soofiyeet ee geeriyooday Michael Gorbachev.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku tilmaamay Gorbachev inuu yahay "mid taariikhda si weyn wax uga baddela, Mikhail Gorbachev waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha hal abuurka hoggaamineed leh oo dunida soo maray,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonny Gutteres oo farriin soo dhigay bartiisa Twitterka .
“Dunida waxay weyday hoggaamiye weyn, oo go’aankiisu adkaa nabaddana si weyn ugu ololeyay,” ayuu Gutteres sii raaciyey, Shaqaalaha isbitaalka uu Gorbachev ku geeriyooday waxay sheegeen in uu la tacaalayey xannuun daran oo muddo dheer soo hayey, Waxay sheegeen muddooyinkii dmabe xaaladdiisa caafimaad iney ahayd mid aad u sii liidaneysay.
Bishii June warbaahinta caalamka waxay baahisay in Gorbachev xanuun kelliyaha kala soo darsay awgeed in isbitaal la dhigay inkasta oo weli la shaacin sababta geeridiidsa keentay, Wakaaladda wararka ee Reuters waxay sheegtay Madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin inuu tacsiyeeyay geerida ku timid Gorbachev, sida uu afhayeenka madaxweyne Putin Dmitry Peskov uu u shegay wakaaladda wararka ee Ruushka ee Interfex.
Madaxweynaha Midowga Yurub Ursula von der Leyen waxay Gorbachev ku tilmaantay inuu ahaa ‘Hoggaamiye muxtaram ah kalsooni bandanna lagu qabay oo albaab cusub u furay xornimada qaaradda Yurub. Doorkii uu nabadda ku lahaana aan marnaba la illaaweyn.”
Ra’isal wasaaraha UK Boris Johnson wuxuu Gorbachev ku tilmaamay nin kullansaday “geesinimo iyo daacadnimo.” Gorbachev wuxuu soo noqday xoghayaha guud ee Xisbiga Hantiwadaaga ee Soofiyeeti isaga oo 1985-kina noqday hoggaamiyaha dalkaasi.
Siyaasadiisa oo ahayd mid ku saleysan furfurnaan wuxuu markii ugu horreysay muwaaddiniinta dalka Ruushka u oggolaaday iney dowladda dhaliilaan, Waxyaabaha sida weyn loogu xusuustana waxaa ka mid ah xakameynta hubka, soo afjaridda dagalkii qaboobaa iyo faragelinta uu bariga Yurub ku hayey Midowga Soofiyeet oo uu joojiyey.
madaxweynihii hore ee Mareykanka, Ronald Reagan iyo Mikhail Gorbachev ayaa 1987-kii saxiixay heshiis lagu xakameynayo gantaalaha riddada-dhex ee Nukliyeerka.
1990-kina Gorbachev waxaa la guddoonsiiyey abaalmarinta nabada ee caalamiga ah oo loo yaqaanno Nobel Peace Prize, abaalmarintaasi oo uu ku muteystay furfurnaanta siyaasadeed uu la yimid iyo sida uuu soo afjaray dagaalkii qaboobaa, Laakiin dad badan oo Ruush ah ayaan waligood Gorbachov ka cafiyin qalalaasihii horseeday burburkii Midowgii Soofiyeeti (USSR).
Mikhail Gorbachev ayaa lagu aasi doonaa qabuuraha Novodevichy ee magaalada Moscow, oo ah halka lagu aaso dad badan oo caan ah oo Ruush ah, waxaana lagu barbar aasayaa xaaskiisa Raisa oo u geeriyootay cudurka leukemia 1999-kii, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tass.
0 Comments