Dalal Islaam ah oo ka digay filim 'xadgudub ku ah' Diinta Islaamka.

Netflix / Jurassic World: Camp Cretaceous

Dalalka Khaliijka Carabta ayaa ka codsaday shirkadda soo saarta filimada ee Netflix inay meesha ka saarto dhammaan waxyaabaha loo arko in ay xadgudub ku yihiin "qiyamka Islaamka, mabaadi'da iyo dhaqanka bulshada", sida ay ku warrantay warbaahinta Sucuudiga.

Waxyaabaha ugu dambeeyay, ee ku jira filimada waxaa kamid ah mid loogu talagalay inay daawadaan carruurta kaasoo jebinayo xeerarka u yaalla Sucuudiga iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka, sida ku cad bayaan ka soo baxaay boqortooyada Sucuudiga.

Dowladahan wax faahfaahin ah kama aysan bixin arrintani, "Telefishinka dowladda Sucuudiga ayaa baahiyay muuqaallo laga soo qaaday bandhigga Jurassic World: Camp Cretaceous, kaasoo lagu arkayay labo gabdhood oo da' yar oo uu jeceyl dhexmarayay kuwaas oo is shuminayay. 

Muuqalladaasi ayaa haseyeeshee la saaray shucaac si aysan daawadaasha u arkin, Muuqaal ku saabsan filimka muranka badan dhaliyay ee Cuties ee lagu jilay Faranca ayaa waxaa baahiyay teleefishinka Al Ekhbariya. 

Waxaa sidoo kale lagu baahiyay qoraal ku eedeynayo Netflix in uu yahay "Mid daaha ka rogayo farriimo anshax xumo ah oo halis ku ah barbaarinta carruurta"

Muuqaal kale oo lagu daabacay Website-ka Al Ekhbariya ayaa lagu eedeeyay Netflix in filimadeeda uu "sare u qaadayo falalka anshax xumada ah iyadoo si xad dhaaf ah diiradda u saareysa dadka isku jinsiga ah."

Telefishinka ayaa wareysi la yeeshay qaar ka mid ah dadka shacabka ah oo eedeymo la mid ah jeediyay, waxay mas'uuliyiinta ugu baaqeen inay si deg deg ah wax uga qabtaan arrintani.

"[Netflix] waxaa lala sameeyay xiriir si ay meesha uga saarto waxyaabaha ay kamid yihiin filimaanta ku wajahan carruurta, si loo hubiyo u hoggaansanaanta sharciyada," ayaa lagu yiri qoraalka sida wadajirka ah uga soo baxay golaha guud ee Sacuudiga ee qaabilsan warbaahinta iyo Guddiga Golaha Dalalka Khaliijka Carabta u qaabilsan warbaahinta.

Mas'uuliyiinta waxay u hoggaansami doonaan awaamiirta "si tallaabo habboon oo sharciga waafaqsan loo qaado mar haddii ay sii socdaan waxyaabaha xadgudubka ah" ayay ka digeen dalalka.

Dhinaca shirkadda Netflix, ilaa iyo hadda ma soo saarin wax jawaab ah oo ku saabsan eedeymaha loo jeediyay.

Bishii hore ayay aheyd markii mas'uuliyiinta Sucuudiga ay ku eedeeyeen shirkadda Youtube inay ogolaatay in boggeeda lagu soo bandhigo waxa ay ku tilmaameen 'xayeysiimo aan habbooneyn' oo xagudub ku ah diinta Islaamka.

Post a Comment

0 Comments