Australia oo isbeddel sameysay si ay dadka shaqo-doonka ah ugu soo dhaweyso dalkeeda

Australia

Dowladda Australia ayaa markii ugu horreysay, muddo toban sano ah, kordhineysa tirada dadka ay u qaabileyso inay si rasmi ah u dagaan dalkeeda, si ay uga caawiyaan shaqaale yaraanta ka jirta waddanka.

Dadkan oo loo oggolaanayo inay dagganaanshaha abadiga ah ka qaataan Australia ayaa la doonayaa in ay wax ka qabtaan baahida shaqaale la’aanta.

War kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in sanadkan oo keliya la qaadanayo dad gaaraya  195,000 oo qof, tiradaas oo intii hore ka badan 35,000 oo qof.

Xakameynta cudurka safmarka ah ee Covid iyo ilaalinta xuduudaha Australia oo aad u adag ayaa sabab u noqday shaqaale la’aanta ka dhacday dalkaas oo ay ka baaqdeen dad badan oo horay u tegi jiray.

Qaar badan oo ka mid ah goobaha laga shaqeeyo ee dalkaas ayaa shaqaale la'aan ah, taasoo culeys cadaadis ku saratay dowladda in ay tallaabo qaaddo.

Waxaa ka mid ah xarumaha caafimaadka oo shaqaalaha caafimaadka ay ku baaqayeen in lala soo gaaro shaqaale dheeraad ah.

Shaqaalaha ka imaada waddamo ay ka mid yihiin Shiinaha, Hindiya iyo UK -oo Australia u ahaa kuwa ugu badan ee usoo shaqo taga - ayaa hadda looga baahan yahay in ay buuxiyaan booska bannaan, sida ay dowladdu sheegtay.

Waxaa jira in ka badan 480,000 oo ka bannaan waddankaas, si deg deg ahna loogu baahan yahay dad buuxiya, balse mas'uuliyiinta wax shaqaaleysiiya ayay ku adag tahay inay helaan dad dheeraad ah.

Makhaayadaha iyo hoteellada, adeegga caafimaadka, beeraha iyo xirfadaha ganacsiga ayaa si gaar ah u dareemaya shaqo la'aanta.

Post a Comment

0 Comments